Nolosheyda waxaan bartay dad badan oo aanan shaki ka qabin inay yihiin dad aad u caqli badan, kuwaasoo Alle (SWT) ugu deeqay xaalado iyo fursado aad u wanaagsan.
Balse, markii ay ka soo wareegtay soddon illaa afartan sano, maan arag iyagoo gaadhay guulo u dhigma hibooyinkoodii iyo awoodahoodii, dhinac kasta oo nolosha ah.
Waxaan u arkaa inay ka qatanaayeen 3 arrimood :
• Qof haga oo jiheeya oo u tilmaama nolosha.
• Hammi & han sare oo xooggan oo dhiirrigeliya.
• In diiradda la saaro hal arrin ama takhasus gaar ah.
Caqliga oo keliyii kuma filna qofka, xaaladaha wanaagsanina khasab ma aha inay guul keenaan, hibaduna waxay qarsoonaan kartaa sannado badan haddii aanay helin waddo cad oo ay raacdo si ay u midho dhasho.
Dhallinyarooy, fursaduhu way jiraan, hibooyinkuna way badanyihiin, balse qofku wuxuu u baahan yahay cid hagta, hammi dhaqaajiya, iyo feejignaan ka ilaalisa inuu dadaalkiisu ka kala daato oo jihooyinku ku bataan.
Qofkii hela saddexdan arrimood, sababahana raaciya, adkaysina yeesha, waxa uu xawaare sare u jarayaa jidka guusha.
Alle ayaa kaalmada & gargaarka bixiya goor kasta.
✍🏽 — Dr. Cabdul Kariim Bakkar.
Soo ururin & turjumid.
Zuldan