Dulxijah 8, 1447
May 25, 2025
Alloow waxa aan nahay addoomahaagii, naga yeel kuwa aad huwiso jalaalkaaga, ka yeesho dad xora oo u nool adiga uun, Alloow nooga miciin inaan noqono hawo caabud.
Udxiyadu waxa ay kamid tahay sannadle xuseedyada diimeed ee uu Alle SWT Islaamka ku waajibiyay, ujeedka udxiyadu kaliya maaha in xoolo la qalo oo maalmahaas hilib laysa siiyo balse wey ka macno balaadhan tahay, mar waa arrin nafta lagu dahirayo oo Alle dartii wax loo gowracayo, mar kale waa xasuus dib inoogu celinaysa qisadii dhex martay Khaliilkii Alle ee Nebi Ibraahim CS iyo wiilkiisii Nebi Ismaaciil CS. Labadoodaba waxaa lagu imtixaanay in aabbuhu wiilka gowraco, wiilkuna adkaysto, waxa ayna ahayd imtixaan adag oo labadoodaba loogu diyaarinayay in ay noqdaan awliyo Alle, imtixaan lagu hubinayay in ay yihiin dad ay dhab ka tahay baahida ay u qabaan jalaalka Alle iyo la saaxiibkiisu (Maqam al-Xubbi wal-Khillah). Si gaara waxa uu imtixaanku ugu socday aabbaha, markii uu qoorta wiilkiisii middida saaray, Allena SWT ogaaday in middidu jartay xadhkihii anaaniyada (ego), makhluuq jacaylka, amardiiddada Alle, iyo kunka cudur ee hawada insaanku sababto ayaa wan weyn Alle samada kasoo dejiyay, waxaana aabbiihii loogu bishaareeyay in uu ka run sheegay iraadadiisii. Waa qiso ina tusinaysa in wax walba oo aynu jecelnahay Alle dartii uga tagno si gaara marka doonisteenna iyo ta Alle iska horyimaadaan, maalmahan waa in aan qisadan dhuuxnaa oo nafteenna ku tarbiyeeynaa sidii ay wax walba uga doorbidi lahayd la rafiiqa Alle.
Sida aynu u gowracno xoolaha udxiyada ayaa loo rabaa inaan u gawracno cuddurrada kunkaa ee nafta ku dhaca, sida kibirkaa, quudhi waaga, ficiltanka, iqk, dhammaantood waxaa la rabaa inaan gowracno oo aynu wax walba uga hurno in aynu la rafiiqno Khaaliqa, inaga oo ka xadhig furanayna wax walba oo inaga dhigaya addoon hawo caabuda, oo makhluuqa sumcad iyo magac ka doonaya, ama addoon kale jirritaankiisa ka xun, ku yasaya oo neceb. Waa in aynu ku sabirnaa jidka adag oo aynu u marayno ku dhex baaba’ jalaalka Alle (Fanaa fil Baaqii) si aynu ruuxdeenna uga yeelno mid u diyaarsan addeeca Alle iyo caabudkiisa, waana marka ay macaanka cibaadadu inoo bilaabmayso, waana marka aynu si dhaba u fahmayno in jacaylka Alle uu wax kasta ka horreeyo, waa amminta iimaanku kaamiloobo ee dhadhankiisa la helo. Marka wax walba oo kale aynu kasoo xadhig furano una noolaano kaliya Alle waa marka dhib kastaaba dhamaanayso ee aynu gaadhayno martabadda ku dhex baaba’ jalaalka Alle iyo jacaylkiisa.
Jalaalkaaga iyo jacaylkaaga hanaga qadin Raxmaanoow❤️
https://www.facebook.com/share/16jLXJzpz4/?mibextid=wwXIfr