Shalay waxa ay ku beegnayd sannadguuradii afraad ee kasoo wareegtay geeridii abwaankii filasoofka ahaa, cabqarigii Soomaaliyeed; Maxammed Ibraahim Warsame (Hadraawi). Alle ha u naxariistee abwaanku waxa uu kamid ahaa halabuurka Soomaaliyeed ee ay dadka ajnabiga ahi aadka u jecelaadaan marka looga warramo sooyaalkiisa, iyo hibadiisa suugaameed, dhammadka bishii May ee sannadkan ayaa waxa ilasoo hadashay gabadh aan asxaabnahay oo reer Ciraaqa markaasna qoraal diyaariye ka ahayd ururkan aan instagramkiisa idinla wadaagay, waxa ayna i weydiisay in ay rabto in ururku bostigiisa maalinlahaa qof Soomaaliyeed dadka baro, waxa ayna i weydiisay fikir bal in aan dhowr qof u tilmaamo, waxa aan u diray abwaan Hadraawi oo aan u raaciyay maansadii Dabahuwan oo qaybteed la turjumay, waxyar kadib ayeey ilasoo hadashay yada oo ka heshay shakhsiyadda abwaanka iyo maansadiisaas, muddo ayaa kasoo wareegtay xalay ayaan arkay barta instigramka ururka oo loogaga baroordiiqayo abwaanka, in kasta oo aan qoraal yar lagusoo koobi karin abwaan Hadraawi haddana waxa uu ahaa nin suugaanta casrigaa ah meel weyn ka joogay, Alle naxariistii janno haka waraabiyo. https://www.instagram.com/p/DcLHyNlCPOC/?igsh=MTh5bmMwNXgzYXgwMg==
Shalay waxa ay ku beegnayd sannadguuradii afraad ee kasoo wareegtay… — Ciideed — TG.ME
August 19, 2026 70