Markasta oo aad baadhid ama aad wax ka ogaatid nafteenna, jidhkeenna… — Ciideed — TG.ME

Markasta oo aad baadhid ama aad wax ka ogaatid nafteenna, jidhkeenna gudihiisa iyo shaqooyinka ka dhex dhaca waa markasta oo aad si dhaba u yaqiinsanaysid una rumaynaysid aayadda (51:21) uu Alle SWT ku sheegay in nafteenna ay aayad yaqiineedi ku sugnaatay. Hadda haddii aad hal shaqo oo jidhkaaga ka dhex dhaca eegto waad yaabaysaa sida wax kastaaba u yihiin warshad yar oo qabanaysa shaqo warshadaha Aadamaha shaqo iyo shaqaale boqolaal ah ka qaadata. Matalanba bal eeg hurdada iyo sida jidhka, iyo maskaxduba waqtigaas u shaqo galaan, iyaga oo qabta waxyaabo aysan suuroobayn in la qabto qofka oo soojeeda, waxaa kamida; in wixii maskaxdu kaydiso la kala shaandheeyo oo qayb xasuusta dheer loo diro si hadhow loo manafacaadsado, waana waxa ay muhimka u tahay qofka ardaygaa ee wax diyaarinayaa in uu helo hurdo fiican habeenkii. Kama gayoon karno aayadaha inaga dhex jira ee Alle SWT yidhi fiiriya oo ku waantooba.

https://www.facebook.com/share/1UMaY9o4xe/?mibextid=wwXIfr
May 7, 2026 102