Marna ma is weydiisay dad badan oo halkan inala joogay oo hal mar aad arki weyday ama mar kasta wax inala wadaagi jiray oo khadka iska yareeyay, haa in badan waad aragtay balse ma is weydiisay dadkaas maxaa badalay? Haddii aan qiyaaso badi dadkaasi waxa ay awoodda saarayaan sidii ay isku dhisi lahaayeen, waxa ayna garteen oo ay fahmeen in isticmaalka badan ee facebooku uusan wax macno ah lahayn. Qaarkood waxbarasho cusub ayeey bilaaben. Qaarkood xirfado cusub ayeey bartaan. Qaarkood shaqo ayeey bilaabeen. Qaarkoodna waxay go’aansadeen inay noolaadan nolol bilaa buuqa. Haa adna intay goori goor tahay is dabaqabo.
Wax akhri. Wax is bar. Wax baadh. Wax qor oo maalin kasta muuqashada iyo wax walba ka hadalka iska yaree.
Jacayl iyo fiicnaan ku waara🤍
6
1April 21, 2026 127