Iinsaanka waxaa laga abuuray degdeg." (Al-Anbiyaa: 37) Markasta oo… — Ciideed — TG.ME

"Iinsaanka waxaa laga abuuray degdeg." (Al-Anbiyaa: 37) Markasta oo aynu wax cusub bilowno badideen waxaan jeclaysanaa inaan aragno maxsuul degdeg ah, matalanba haddii aynu ducaysano waxa aynu markiiba filanaa in aan aragno ducadii oo la aqbalay, ama marka aynu bilowno xirfad cusub sida luuqad barasho ama wax nashqdaynba, isla jeerkiiba waxaynu eegnaa in aynu isku qaadno qoraallo luuqaddaas ah ama muuqaallo tijaabinana in aynu aragno natiijada wixii aynu baranaynay. Sidoo kale marka aan labo wiig aynu jiimka aadno isla markiiba waxaynu iska fiirinnaa in muruqyo inagu soo kordheen. Waxaas oo idil waa dabeecad iyo abuur inagu dhex uunkan balse ogoow, wax kasta oo aad bilowdaa natiijadeedi masoo degdegto, waana wax u baahan joogtayn iyo yaryaraysi, xirfad aad toban maalmood aad shan saacadood baraaktiis garaysay waxaa ka macno iyo natiijo fiican mid aad lix daqiiqo baraaktiis garaysay hal sano, haa xiisadda aad diyaarinayso ujeedkeedu maaha in aad waxa la dhigay wada akhrido ee waa inaad fahanto sidaas daradeed waa in aad maalin walba waqti aad xiisadahaaga ku dabogasho heshaa xataa toban daqiiqo ha noqotee. Luuqadda cusub ee aad bilowday ujeedkeedu maaha in aad naxwaha, ereyada, qoraalka, akhriska iyo dhagaysigaba si degdeg ah iskaga dhistee waa in aad yeelato kaadsimo aad ku baraaktiis garayso. Iyana sidoo kale naqshad barasho haddaad bilowday markiiba lagama yaabo in aad ku noqoto nashqadeeye faraha ka xidhan balse waa inaan ku kaabtaa dadaalkaaga adiga oo xasuusan xadiiskii Nebiga SCW ee ahaa; "Camalka Ilaahay agtiisa ugu jecel yahay waa kan la joogteeyo, haba yaraado eh." Hal habeen oo aad xamaasatootay oo aad habeenka oo dhan Salaatu Layl u taagnayd waxaa ka khayr badan in aad habeen walba cishaha kadib aad hal rakcad oo Salaatu Layl ah tukato. Buug aad hal maalin ku akhrido waxaa kaaga fiican caadana kuu noqonaysa maalin walba inaad muddo maalin walba toban bog akhridid Wax walba kaadsimaha ayaa ka yeela caado uu qofku leeyahay sidaas daradeed waa inaan nafteenna ku jirrabnaa inaynu barno kaadsiimada.

May 3, 2026 114