Nebiga SCW oo ah macallinkeenna koowaad waxa uu ahaa tusaalaha naxariista, tudhaalka, fududaynta, u dhimrinta ardayga, la dedaalidda bartaha, iyo ka dheeraanta hiifidda iyo haaraanka.²
Waxaa dhacday in maalin iyada oo masjidkii la joogo uu nin badow ahi masjidkii meel ka mid ah ku kaajay! Saxaabadii baa ku booday, laakiin, waxaa ka joojiyay Nebiga SCW oo yidhi: daaya oo biyo dusha kaga shuba. Intaa kuma uusan dhaafin e, Nebigu SCW farriin iyo darsi ayaa uu raaciyay, waxa uuna yidhi: ujeedkiinna iyo waxa la idin ka rabaa ma aha in aad wax adkaysaan ee waxaa la idiin soo diray in aad wax fududaysaan.
Ninkan badowga ahi ma aqoon in aan masjidka lagu dhex kaaji karin. In wax la baro ayaa lagu saxayaa ee xilli la canaanto ma joogo. Xaaladdiisu waa ay ka duwan tahay xaaladda dadka kale ee garanaya in waxani ay qalad yihiin. Sidaas awgeed, Nebigu SCW waa uu u yeedhay waxa uuna ku yidhi: Masaajidda kuma wanaagsana in lagu kaajo ama qudhun kale lagu sameeyo, ee waxaa loogu talagalay xuska Alle, salaadda, iyo akhrinta Qur’aanka.
Dhacdo kale oo uu wariyay saxaabigii Mucaawiyah ibnul Xakam RC aynu eegno. Waxa uu yidhi: aniga oo la tukanaya Rasuulkii Alle SCW ayaa nin hindhisay. Markaas ayaa aan idhi: Yarxamukallaah. Dadkii baa indhaha igu gubay. Waxa aan idhi: Hooyaday goblantaye maxaad iga eegaysaan! Markaas ayaa ay bawdyahooda dhirbaaxeen anna markii aan arkay in ay i aamusiinayaan ayaa aan shib idhi. Nebigu SCW markii uu salaaddii dhammeeyay ayaa uu igu yidhi: hadalka dadku salaaddan kuma habboona ee waa tasbiix, takbiir, iyo akhrinta Qur’aanka.
Mucaawiyah oo sidii Nebigu SCW ula dhaqmay ka faalloonayaa waxa uu yidhi: hortii iyo dabadii ma aanan arkin macallin ka waxbarid wanaagsan, wallaahi ima kahan, ima garaacin, imana caayin.
ـــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــ
2. الرسول المعلم b.21.
MIIM-2024-QABYO.