Fursaddii aad ku xifdin lahayd Qur'aanka! Barnaamijka Qorraa (قراء)… — Xadiiska Maanta — TG.ME

Fursaddii aad ku xifdin lahayd Qur'aanka!
Barnaamijka Qorraa (قراء) waa barnaamijkii aad Qur'aanka ku xifdin lahayd si bilaash ah meel kasta oo aad dunida ka joogto.

Barnaamijku waxa uu ka koobanyahay saddex qaybood:
1. Muddo Lix bilood ah in aad ku sugto Qur'aanka kuna qaybto adiga oo maalin kasta qaybaya afar bog.

Marxaladda lixda bilood ah waxa lagaaga baahanyahay in aad xafido afar bog maalintii kuna celceliso bog kasta marka aad xafido kaddib 15 jeer.

2. Muddo Sannad ah in aad Qur'aanka ku sugto kuna qaybto adiga oo maalin kastana qaybaya labo bog.

Marxaladda sannadka ah waxa lagaaga baahanyahay in aad xafido oo aad qaybto maalin kasta laba bog oo Qur'aan ah marka aad xafido kaddibna aad ku celceliso 20 jeer bogiiba.

3. Muddo Labo sanno ah in aad Qur'aanka ku xafido maalin kastana aad xafido hal bog.

Marxaladda labada sanno waxa lagaaga baahanyahay in aad xafido hal bog oo Qur'aan ah maalin kasta kuna celceliso halkaa bog marka aad xafido kaddib 25 jeer.

Wixii faahfaahin ah ee intaa ka baxsan qolada barnaamijka ayaa ku siinaysa kuna hagaysa oo kuu fududaynaysa sidii aad Qur'aanka ku xifdin lahayd.

Barnaamijka diiwaangelintiisa shalay ayaa la furay 09-08-2026, ilaa 21-08-2026 ayaa uu furnaanayaa ee ha laga faa'idaysto Insha Allaah.

📌𝗤𝗮𝗮𝗯𝗸𝗮 𝗹𝗮 𝗶𝘀𝗸𝘂 𝗱𝗶𝗶𝗻𝘄𝗮𝗮𝗻𝗴𝗲𝗹𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗕𝗮𝗿𝗻𝗮𝗮𝗺𝗶𝗷𝗸𝗮 𝗤𝗼𝗿𝗿𝗮𝗮 (برنامج قراء).
https://t.me/XadiiskaMaanta/3484

𝐋𝐢𝐧𝐤-𝐠𝐚 𝐥𝐚 𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐝𝐢𝐢𝐰𝐚𝐚𝐧𝐠𝐞𝐥𝐢𝐧𝐚𝐲𝐨.
🔗 رابط التسجيل:
https://qorra-org.com/ConditionsRegistration

➥Qofka dadka wanaagga tusinayaana waxa uu la ajar yahay midka wanaaggaa sameeya, sida uu sheegay Nebigu SCW. (الدال على الخير كفاعله).
ـــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــ

https://t.me/XadiiskaMaanta
❤4😢1
August 10, 2026 1.3K 34