Nebigu {ﷺ} waxa uu yidhi: “ILAAHAY ayaan ku dhaartaye in Alle hal qof… — Xadiiska Maanta — TG.ME

Nebigu {ﷺ} waxa uu yidhi: “ILAAHAY ayaan ku dhaartaye in Alle hal qof dartaa ku soo hanuuniyo ayaa kaaga khayr badan geela kiisa cas cas”. –Bukhaari iyo Muslim.

Xadiisku waxa uu tilmaamayaa ruuxu in uu sabab u noqdo hunuunka cid kale in ay wax wayn tahay oo fadli badan ku suganyahay

Carabtu geela cas cas ayaa ay aad u jeclaayeen, sidaas darteed ayaa geelii ay jeclaayeen loogu tusaaleeyay si fahanka loogu soo dhaweeyo.

Xadiiska waxa laga qaadanayaa boorin la innagu boorrinayo in dadka khayrka loogu yeedho laguna dedaalo hanuunintooda.

Ruuxa sababtaada ku hanuuna, Ilaahay dartiina aad uga jeeday wixii khayr ah ee uu sameeyo in lamid ah ayaa adigana laguu qorayaa. Markaa wax aanad camalkaaga ku gaadhi karin ayaad dadka wax sheegooda ku gaadhi kartaa, haddii aad Ilaahay dartii wax ugu sheegayso.

Qofka dadka wanaagga tusinayaana waxa uu la ajar yahay midka wanaaggaa sameeya, sida uu sheegay Nebigu SCW.

📌𝑺𝒊𝒊 𝑭𝒂𝒂𝒇𝒊 𝑿𝒂𝒅𝒊𝒊𝒔𝒌𝒂; iskuday ugu yaraan in aad hal qof sii gaarsiiso.
https://t.me/XadiiskaMaanta
❤5🥰2😘1
August 12, 2026 644 3