Nebigu SCW waxa uu ahaa dadka ka ugu waxbarida wanaagsan, uguna hadalka cad ee ugu aftahansan. Hababkii wanaagsanaa ee uu dadka wax ku bari jiray waxa kamid ahaa; in uu cilmiga u soo dhaweeyo isaga oo adeegsanaya tusaalooyin la taaban karo, si ay ugu noqdaan kuwo si fiican loo fahmi karo oo cad.
Xadiiskan Nebigu SCW waxa uu tusaale u soo qaadanayaa sida ay salaaduhu dambiyada u tirtiraan ee ay u maydhaan. Waxa uu salaadaha shanta ah ku tusaalaynayaa webi hormara mid innaga mid ah gurigiisa hortiisa, oo uu maalintii shan jeer ku maydhanayo. Sida uskaga iyo wasakhda jidhkiisa ay uga maydhayaan ee aanay waxba ugu hadhayn si lamid ah ayaa ay salaadaha shanta ahina qofka maalintii uga tirtirayaan oo uga maydhayaan dambiyada.
Dambiyada ay tirtirayaan salaadaha shanta ahi waa dambiyada yar yar sida uu tilmaamayo xadiiska kale oo Nebiga SCW ka sugan, Nebigu SCW waxa uu yidhi: «Salaadaha shanta ah, Jimce ka Jimce, iyo Ramadaan ka Ramadaan waa kuwo lagu dhaafo [dambiyada yar yar ee qofka ka dhaca,] haddii uu ka fogaado dembiyada waaweyn». –Muslim
Culimadu waxa ay tilmaameen dambiyada ay tirtirayaan salaaduhu in ay yihiin dambiyada yar yar haddii aan la joogtayn! Oo haddii dambiyada yar yar la joogteeyo waxa ay kamid noqdaan dambiyada waawayn, dambiyada waawayna waxa ay u baahanyihiin tawbad dhab ah oo shuruuddeeda dhammaystiratay.
☜الدال على الخير كفاعله
ـــــــــــــــــــــــــــــ
📌𝑺𝒊𝒊 𝑭𝒂𝒂𝒇𝒊 𝑿𝒂𝒅𝒊𝒊𝒔𝒌𝒂; iskuday ugu yaraan in aad hal qof sii gaarsiiso.
https://t.me/XadiiskaMaanta


