Adaa koonkani jacaylka Farxadda kaligaa abuura Xil kaalin galaa… — Dareen jacaYl ❤️🫂 — TG.ME

Adaa koonkani jacaylka
Farxadda kaligaa abuura
Xil kaalin galaa agtayda
Kashiyo kuu yalaa laabta
Intaad qalbigii ku baahday
Adaa karantiishay dookha

Jacaylkeena karaamo
Farxadda kaligii abuura
Maalmaha kala dheerideena
Xiisaha kohashada abuura
Kiniin iyo sidii taxliisha
Codkaaga iga kaxeeya

Ma jiro ruux kaalintaada
Intuu karo buuxiyaaye
Kalaamka xaqiiqadiisa
Hadalka soo koobidiisa
Kaydkii samahoow xabiibi
Anaa lay kaa abbuuray.

Hal qalbi iyo hal qof.🫀♥️
❤10🔥1
May 15, 2026 2.4K 5