Sixir aan ogayn!
001
Soo koobida Buugaagta.
Dunidii aan cududeeda lahayn ,maamulkeeduna inoo taxna qarniyo , xataa daruurteeda aan ku lahayn "أَمْطِرِي حَيْثُ شِئْتِ، فَسَيَأْتِينِي خَرَاجُكِ
"Meeshii aad doonto ku dhibic (ku da' ), way ii iman doontaa canshuurteeda iyo khayraadkeeguba" ma sixir aan ogaynbaa yimid?, halkee lanooga yimid?, yaa noo yimid? sidee lanoogu yimid?
Maxaa muslimiinta dib dhigay? , maxaase horrow mariyay qayrkood?
لماذا تأخر مسلمون؟ ولماذا تقدم غيرهم؟
Hal minute gudaheed ayaan ku sheegi karnaa 1milyan oodhibaato , taasna waxa ay ku tusaysaa dhibta jirta baaxadeeda!
1. Waxa uhoreeya ee dib dhigay muslimiinta waa jahli taas oy ku wareereen kala saarida khamriga iyo khalka! ,jaahilnimada dhabta ah ee qofku ka arradanyahay waxwali waxa ka dhib badan jaahilnimada nuska ah , waayo qofka jaahilka ah ilaahay marka uu usoo diro qof caalim ah oo hagga wuu adeeca, laakiin qofka jaahilnimo-nuseedka ahi ma oga in uu wax ka dhimanyahay , mana aqbalo in uu yidhaah xaqiiqda ah "ma aqaan" , Inlagugu fidneeyo qof wada waalan ayaa ka khayr roon in lagugu fidneeyo qof nus waalan ,.
2. Buun-Buuninta Madaxda iyo is hoosaysiinta culimada,
Madaxda qaarkood oo marray hillin wixii ay doonayaan waafajiya diinta , una dhexmara culimada iyaga oo fatwoonaya , cidii ka hor imatana ladilayo ama xabsi guntii la dhigayo , culimadii qaarna waxa ay mareen wadadaas liidata oy noqdeen "link" dhexdhexaadiye sidda hadaladii madaxda , una tanaasula madaxda halka uu islaamku u igmaday culimada in ay toosiyaan madaxda iyo amiirada , barisamaadkii waxa ay utaagnaayeen culimadu sida ay maanta madaxdu utaaganyihiin baarlamaanka casriga ah ; waxa ay hagayeen umadda; waxa ay xakamaynayeen talaabooyinka boqorka; waxa ay kor uqaadi jireen marka ay Dawladu ku xadgudubto sharciga , kamana biqi jirrin in ay walwal galiyaan madaxda!
3. Quusta iyo Baqdinta balaadhan ee gudaha muslimiin badan ku baahday!
Fullaynimada iyo Quustu waa laba cudur oo aad uxunxun , waxaana dhashay muslimiin umaleeya una arka yurubiyaanka kuwa kasareeya lagana guulaysan karrin marwali , una haysta iska caabin wali oolagula kaco gaalada ay tahay mid ku danbaynaysa dhicisow , wayna addag tahay in ay guulaystaan dad horaanba aaminsan in ay kasarrayn karrin qayrkood, waxa aana cudurdaar ka dhiganaa in ay iman doonto maalin ka wacan sidan!.
4. Muslimiintu waxa ay lumiyeen sababtii ay ku hantidayeen hoggaanka kuwii ka horreeyay , waxa ay yimaden dhulkii oo asnaab iyo jahli qarqiyay 50 sano gudaheenda waxa ay qabsadeen kala nus dunida . Hadii aan si dhab ah ubaarnana waxa aan ogaanaynaa waxaas halkaas gaadhsiiyay in uu maanta maqanyahay si magac uyaal ah haba iskaga yaalee ,. Waxa ay ku odhanayaan sawka alle swt yidhi " waxa uu ahaaday xaq in aan ugargaarno mu'umininta" وكان حقا علينا نصر المؤمنين
aaway haye gargaarkii? Hadii alle swt uyidhi aayada shuruud la'aan oo ka baxsan in ay noqdeen muslimiin waxa ay noqon lahayd yaab dullaysigan maanta umada ku habsaday , laakiin aayadaha Qur'aanka ku jira ma aha kuwo iska hor imanaya, Ilaahna ma ahha mid baajiyay ballankiisii, Qur'aankuna ma beddelmin se Muslimiinta laftooda ayaa ah kuwa isbeddelay, maxayna noqon kartaa ugargaarida dad aan shuriidiiba buuxin.Waxa aan ku gunaanadi hadalkii ibnu sucuud "Waxa aan ka cabsanayo ma aha dadka shisheeyaha ah, ee waxa aan ka cabsanayo waa Muslimiinta laftooda."