( هو الذي يريكم البرق خوفًا وطمعًا )
Alle waa midka aayadahiisa idinka tusinaya hillaaca aad ka cabsanaysaan inay idinkaga soo degto biriq wax gubaysa, islamarkaana aad damcaysaan in hillaacaasi uu roob la soo da'o, awooddiisa Alle hufnaaye ayuu ku ahaysiiyaa daruurta sidda biyaha badan si ay idiin anfacaan.
(13) Onkodkuna wuxuu ku tasbiixsadaa mahadda Alle, tasbiix tusinaysa inuu u hoggaansan yahay Rabbigiis, malaa'igtuna Rabbigeed waxay ka huftaa xumi; cabsi ay Alle ka cabsanayso darteed, Alle wuxuu soo diraa biriq wax baabi'isa, wuxuuna ku halaagaa ciddii uu doono oo khalqigiisa ka mid ah, iyadoo gaaladuna ay ka doodayaan kelinimada Alle iyo awooddda uu u leeyahay isasoo bixinta, Allana waa mid ay xeeladdiisa, awooddiisa, iyo ciqaabtiisa ku daran tahay ciddii ku caasisa.