♤BALLAN_KA_BAXYADAYDII♤
Astaanta DambiDhaafka Waxa aan Si Fiican U Fahmay Mar aan Baadhayey Kutubta Ka Hadasha Siirada Suubbanaha . Cumar binu Khaddaab, Muslimiinta waxa Uu Ku Dhibi jiray Diinta, Ushiisii Xoogganayed ayaa Uu Dhabarka Kaga Garaaci Jiray Jaariyaddiisii, Kamana Joojin jirin ilaa Uu Daalo , Marka uu Daalana waxa uu Ku Odhan jiray: "Kuma Daayeen Ee Waa Daalay" Muslimiinta waxa ay aaminsanayeen Dameerka Khaddaab oo soo islaama Ayaa Ka Dhow islaamnimada Cumar, waayo aad ayaa uu u Necbaa Diinta islaamka,intaas Kadib, Alle ayaa u Furay irridaha Dambidhaafka,waxa aanu isu Rogay Cumar Faaruuq ,Halkee ayay aaday Ushii uu Dhabrka Kaga Garaaci Jiray Addoomahiisu? Ilaahay ayaa Ka Dhaafay!! Khaalid Binu Waliid ayaa Fantay Buurta Uxud Dagaalkii Uxud, Sababtiisana Waxaa Ku Baxay Cabdillahi Binu Jubayer, iyo Raggii Kale ee Kula Jiray Dhufayska, Khaalid waxa uu Sabab U ahaa in ay Soo Gaadhay, Muslimiinta Guuldaradii Ugu weynayed, Mudaddii uu Hogaaminayay Nebigu, ,Waxa La Dhaawacay Nebiga, Madaxa ayuu Nabar Kaga Dhacay, Dhooshiisa La Jebiyay ,Diricii uu Xirnaa Wajigiisa Sharafta Leh ayuu Nabarro Gaadhsiiyey . Khaalid waxa uu Sabab U ahaa in La Daadiyo Dhigii Suubbanaha Salalahu calyhi wasallam, nebiga waxa uu Dhahay:
(اشتذ غضب الله على قوم دموا وجه رسوله)
"Cadhada Alle ,waxa ay Ku adkaatay Qolo Dhiiig Ka Keenay Wajiga Rasuulkiisii)
Iyada oo waxaan oo Dhibi Soo Gaadhay, nebiga ayaa Hadana Waxaa Lagu Yidhi:
" arrinkaan Talo Kuma lihid .Alle Waa Uu Ka Towbad aqbalayaa, ama waa uu Cadaabayaa,maxaa Yeelay waa Dulmifalayaal"
Khaalid waxa uu Kamid Noqday Qolyihii Laga Towbad aqbalay ee Loo Dambidhaafay ,Khaalid Waa uu Islaamay , waxaana u Dambi dhaafay Allaha QAFUURKA AH,, Dagaalkii Uxud Muslimiinta in ay Jabaan isaga ayaa Sabab u ahaa ,Balse Waxaa uu isu Rogay Seeftii Alle Ee Bilaa Galka ahayed, Dhiiggi uu Ku Daadiyey Xaqdaradda iyo Dhibkii Dartii U soo Gaadhay Nebiga Rabbi Baa Ka Dhaafay.
#kitaabka_10_magac
#Darsiga_111aad