SAAXIIBKA WANAAGSAN
1. Cumar binu Khaddaab RC wuxuu yidhi: "Islaamka kaddib, addoonka lama siiyo nimco ka wanaag badan saaxiib wanaagsan. Midkiin haddii uu walaalkii ka arko kalgacal, haku fara adaygo."
2. Shaafici AHUN wuxuu yidhi: "Haddii aad leedahay saaxiib kugu caawiya khayrka, ku mitid oo ha sii dayn."
3. Luqmaan Xakiim ayaa isna kula dardaarmay wiilkiisii: "aabbe iimaanka kaddib waxa ugu horreeya ee aad raadinaysa ha noqdo saaxiib wanaagsan waayo waa sida geedka oo kale, waana saddex mid uun: in aad hadhsato, in aad midho ka goosato iyo in aad ku badbaaddo oo aanu ku gaadhsiin wax dhib ah."
Saaxiibka midka ugu fiican waa kan kugu haga kheyrka, wanaaga iwm.
Iska fiiri cidda aad la saaxiibayso, maxaa yeelay saaxiibkaa wuxuu yahay ayaa adigana noqonaysaa.
2
1
1January 29, 2025 1.5K 15