Sidaa darteed, haddii aynu doonno tilmaamidda qof tukanaya oo hoganaya, xaalkiisu sidee ayuu noqonayaa? Saw xasilloonidu buuxin mayso? Dhaqdhaqaaqyadiisu miyaanay ahaanayn kuwo deggan oo isku dheellitiran? Qur'aanka kariimka ah; miyaanu u akhriyayn hannaan deggan oo ka dheer degdegsiimo? Rukuucda, taagnida iyo sujuudda saw ma dheeraynayo? Miyaynaan arkayn isaga oo wakhti dheer ku qaadanaya fadhiga u dhexeeya labada sujuudood? Hogashadu, waxa ay leedahay astaamo ka muuqda korkeenna marka aynu la nimaadno, intaa kadibna waxa hoggaansamaya dareenka gudaha, salaaddana waxa aynu ka baxaynaa innaga oo dareemayna xasillooni iyo deganaan.
Waxyaabaha keena Hogashada
Sababaha keena khushuucda waxa ka mid ah: dhadhaqaaqa gacmaha oo la yareeyo laga bilaabo xidhashada salaadda, macnaha ereyga (Ilaahay, ayaa ugu weyn) oo la dhuuxo marka lagu dhawaaqayo, akhris deggan oo aad la timaaddo inta karaankaaga ah iyo dhuuxista macnaha ayaadaha Qur'aanka ah; waayo, adigu kuma jirtid tartan aad ku soo bandhigayso awooddaada qaybiseed ee Qur'aanka kariimka ah. Bal hadda tijaabi in aad ula hadasho dadka qaabka aad u akhrido faataxada. Dhab ahaantii, qofna waxba kaa fahmi maayo. Ogsoonow, cidda aad la sheekaysanaysaa waa boqorkii boqorrada. Suubanaha (NNKH), waxa laga soo wariyaa in Ilaahay (swt) leevahay: "salaadda, laba is leeg avaan ugu gaybivay aniga iyo addoonkeyga.
Addoonka: "mahad oo dhan waxa iska leh Eebbaha abuuray caalamka oo dhan"
Ilaahay: "addoonkaygii waa uu i mahadiyay"
Addoonka: "Ilaahay (swt), waa ka naxarista naxariis guud iyo midda gaarka ahba"
Ilaahay: "addoonkaygu, waa uu i ammaanay"
Ilaahav: "addoonkavou waa ni sharfay"
Halkan ku qor si aad u raadiso
Addoonka: "Ilaahay (swt), waa boqorka maalinka xisaabta"
Ilaahay: "addoonkaygu, waa uu i sharfay"
Addoonka: "adiga uun baanu u caabudaynaa, kuna talo saaranaynaa"
Ilaahay: "kani waa waxa noo dhexeeya aniga iyo addoonkayga, isaguna waxa uu iska leehay wixii uu i weydiisto"
Addoonka: "Allahayoow, nagu hanuuni jidka toosan. Jadka ay mareen kuwa aad u nimcaysay ee aan ahayn Yuhuudda iyo Kiristaanka"
Ilaahay: "kan addoonkayga ayaa iska leh, isaguna waxa uu leeyahay wixii uu i weydiisto"
Ma ogtahay in uu nebi Muxammad (NNKH) salaadihiisa ku furfuran jiray: "Allahayoow noo kala fogee aniga iyo gefafkayga sida aad u kala durkisay gorrax ka soo baxa iyo qorrax ka dhaca, gefafkaygana iiga nadiifi sida marada cad looga nadiifiyo wasakhda.Allahayoow, gefafkayga igaga maydh biyo, baraf iyo biyo qabaw" Mar kasta oo aad si wanaagsan ugu jeediso laabtaada dhanka qiblada, hortaadana fiiriso; waa xilli walba oo ay korodho khushuucdaadu. Mar walba oo aad akhrinayso ducada rukuucda, muuji xasillooni, ereyadana dhaadheeree adiga oo leh: "xumaan oo idil waxa dheer Rabbigayga weynida badan" Seddex jeer oo keliya ayaad akhrinaysaa ducadan ee u akhri hab iyo hannaan degan oo la fahni karo. Sidoo kale, marka aad ka soo toosto rukuucda, si wanaagsan u istaag adiga oo si degan u leh: "Rabbigayoow adigaa iska leh mahad" Ma ogtahay in uu Nebi Muxammad (NNKH) kordhin jiray jaadadka wardiyada uu akhriyo rukuucda dhexdeeda, odhanna jiray: "Ilaahay (swt), waa xumaan ka dheere dahiran, waana Rabbiga malaa'igta iyo ruuxa (Jibriil cs). Allahayoow, waxa kuu khushuucay araggayga, maqalkayga, maskaxdayda, lafahayga iyo seedahayga"
Ma ogtahay, in Nebi Muxammad (NNKH), odhan jiray amminta uu ka soo kacayo rukuucda: "Rabbigayoow, ammaan iyo mahad ayaa kuu sugnaaday. Ammaan badan oo wanaagsan oo la barakeeyay. Waxa aad mahadsan tahay mugga cirka, ka dhulka, inta u dhexeysa labadooda iyo mugga intii aad doonto"Wakhtiga aad sujuudayso waxa waajib ah; in aad is xakamayso oo noqoto qof deggan oo xasilloon. Bal hadda sawiro adiga oo Ilaahay (swt) ka hufaya xumaan oo dhan, dareenkaagu siduu noqonayaa?. Ereyadan SOO socda u akhri hannaan deggan adiga oo jiidjiidaya: "xumaan oo dhan waxa ka dheer Rabbigayga sarraynta badan"
Xusuusnow, xilliga uu addoonku ugu dhowyahay Rabbigii, waa marka uu sujuudsan yahay.