XAQIIQOOYIN KU SAABSAN FARQIGA U DHAXEEYA SAAXIIBTINIMADA RAGGA IYO DUMARKA
Sababaha aan saaxiibo u leenahay waxaa
ka mid ah taageerada akhlaaqda, bulshada, iyo caawin haddii aan u baahanahay.
Saaxiibada wanaagsan waxay ugu dambeyntii noqdaan nooc ka mid ah badqabkeena, waxaa ay nasiin karaan taageero dhaqaalo haddii aan u baahano.
Dhanka kale, saaxiibtinimadu waxay leedahay saameyn faa'iido leh oo ku saabsan caafimaadka. Sida ugu wanaagsan ee lagu odorosi karo caafimaadkaaga jidh iyo maskaxeed waa in la eego tirada iyo tayada saaxiibada wanaagsan ee aad leedahay.
Marka loo eego daraasado dhowr ah, tirada ugu fiican ee saaxiibada waa adiga iyo afar kale.
Tacaamulka aan la samayno asxaabta, hadalka, qosolka, u sheekaynta iyo cunto cunid dhammaan arrimahan waxay kiciyaan nidaamka endorphin, kaas oo ka shaqeeya qaybta maskaxda ee xakameynaysa xanuunka.
Endorphins waxay bixiyaan dareen fayoobaan ah, nabadgelyo leh iyo isku kalsoonida nafta shaqsiga.
Halkan waxaan ku eegi doonaa xaqiiqooyin ku saabsan farqiga u dhaxeeya saaxiibtinimada ragga iyo dumarka waxaana ka mida:
1.Saaxiibtinimada dumarku waxay u muuqdaan inay yihiin kuwo dareen ahaan aad u sareeya, taasoo ka dhigaysa inay noqdaan kuwo firfircoon. Saaxiibtinimadoodu waxay ku salaysan yihiin inta badan kooxaha ay ka kala tirsan yihiin, halka raggu ay u muuqdaan inay sameeyaan naadiyo saaxiibtinimo.
2. Saaxiibtinimada dumarku waxay la mid yihiin qaabka xiddigaha, halkaas oo saaxiib kastaa uu saaxiibo gaar ah la leeyahay.
3. Saaxiibtinimada raggu aad ayey isugu dhafan yihiin. Qof kastaa waxaa uu saaxiib la yahay qof kale, laakiin tayada iyo xoojinta xiriirka ayaa hooseeya marar badan.
3. Dumarka, waxa aad uga muhimsan in ay ogaadaan qofka aad tahay qof ahaan ee ma aha waxa aad tahay. Dhanka kale, ragga ayaa aad u xiiseynaya qofka aad tahay iyo kooxda aad ka tirsan tahay. Raggu Waxay dan ka leeyihiin cidda aad tahay.
4. Raggu aad ugama hadlaan shucuurtooda, waxaa ayna taasi ka duwan tahay haweenka oo muujiya dareenkooda. Tani waa sababta haweenku u jecel yihiin inay yeeshaan saaxiibo tayo sare leh.
5. Marar badan, ragga ayaa saaxiibtinimada ku abuura qosol, halka dumarkuna ay saaxiibnimo ku abuuraan sheeko iyo dareen dhab ah.
6. Raggu waxaa ay u baahan yihiin joogitaan toos ah, saaxiib jidh ahaan jooga.
7. Raggu waxay u baahan yihiin inay wax la wadaagaan saaxiibadood. Waxay jecel yihiin inay arkaan. Haddii aysan arkin, xidhiidhka ayaa meesha ka bixi kara. Tani ma ahan arrin mar walba taagan, dabcan, laakiin waa wax jira oo muuqda.
8. Saaxiibtinimada dumarku waxa ay waartaa wakhti dheer, xitaa marka aanay si joogto ah isu arki karin labada ruux, sababta oo ah waxa ay ku dadaalaan in ay wada hadlaan ama ay marar badan la xidhiidhaan qofka kale.
9. Haddii qofka dumarka ah saaxibteed si rasmi ah ugu guurto waddan kale oo ay is arki waayaan, waxay isku dayaan inay saaxiibtinimada ku sii wadaan baraha bulshada ama telefoonka gacanta.
10. Raggu waxay lumiyaan saaxibka ay kala fogaadeen. Raggu inta badan si joogto ah ulama xidhiidhaan saaxiibkii guuray, taa badalkeeda si fudud ayey u beddelaan. Xigasho.
@Qormooyiin