Fariinta Subaxda 💕📜🕊
Subaxda waa hadiyadda ugu quruxda badan ee Rabbi kuu soo diray. Waa neecaw cusub, bilow cusub, fursad cusub. Qalbigaaga ha ka buuxsamo mahadnaqa iyo rajada wanaagsan. U toos Maaliki Subax walba si aad u barato, u shaqeyso, u ducayso, uguna noolaato raalli ahaanshihiisa.
Ha illaawin inaad subax kasta niyadda wanaajiso, dadka u wanaag sheegto, kuna ducayso. Noloshu waa safar, subax kastana waa tallaabo ka mid ah.
"إِنَّ اللَّهَ مَعَ الَّذِينَ اتَّقَوْا وَالَّذِينَ هُم مُّحْسِنُونَ"
"Ilaahay waa la jiraa kuwa dhowrsada iyo kuwa wanaagfala."
(Suurat An-Nahl: 128)