Dumar badan oo taageera aragtida feminism-ka waxaa ay u maleeyaan in ay badbaadoodii ku jirto aragtidaan, Nasiib daro maanta baraha bulshada waxaa ka buuxo dumarkii shalay u olaleyn jiray aragtidaan oo ka qoomameynaayo iyaga oo hadda ka noqday aragtidaas oo ku qancay hogaanka ragga. Weliba waa kuwo aanan muslimiin ahayn.
Aragtidaan Feminism-ka waxaa ay sideeduba taageertaa ragga, Haddii Naxriista Alle iyo fadligiisa Islaamnimadu ahaan lahayn Aragtidaas feminism-ka faa'idooyinka ay ragga u xambaarsantahay darteedii waala aqbali lahaa, Labadaan qof isbarbardhig;
Ninka aragtidaan kasoo horjeeda feminism-ka ee soomaaliga ah, Waxaa dushiisa saaran culeyskaan;
1-Si uu u guursado waa in uu xoriyad dhaqaale haystaa
2-Masuuliyada reerka oo dhan isaga ayaa laga rabaa
3-Masuuliyada gabdha oo dhan waa isaga dushiisa.
4-Isha dhaqaalaha ee qoyska dhan waa ku keligiis
5-Dhib kasto waa in isaga uu xaliyaa
6-Haddii uu kasoo bixi waayo intaan waa in uu tahriib aadaa oo halis galaa ama Askarnimo waa in uu u qortaa masuuliyadahaas darteed.
Yaa halkaan ku faa'iday? WAA GABDHA. Waxaa laga doonayaa gabdha in ay GURIGA iska joogto oo howlaha gurigaas bes qabato, Weliba howlahaasi waa Ixsaan, Waajib diini kuma ahan. Nolal free ah ayey iskaga nooshahay sida boqorada oo kale, Bisha soo socoto DAHABKA ay xiran lahayd ayey ku fekeraysaa. Waxaa gabdhaan keliya laga doonayaa in ay NINKEEDII niyada u dhisto oo ay ADEECDO si culeyskaas dhan uu xambaarsan yahay uu u hilmaamo.
Haddii ay gabadhu arki wayso nimcadaas oo ay dhahdo, Waa been dumarka kuma faa'idin kusoo dhowoow gabdha ay raggu jecel yihiin ee feministiga ah bal eeg;
Ninka aaminsan aragtidaan ee guursaday gabdh Feminist ah;
1-Wuxuu helay gabdh arooskeedii la baxeyso
2-Gabdh aan meher ka dooneyn
3-Gabdh kirada guriga share kula ah
4-Gabdh aan shopping ka rabin
5-Gabdh wax weliba share kula ah
6-Gabdh aan lacag ku waydineyn
7-Gabdh aad deyn ku yeelaneyso haddii kirada ay bixin wayso
Ninkaan guursaday gabdha feministiga ah WAX CULEYS AH oo dhan dusha kama saarno, Waa uun sida qof helay qof SAAXIB la'a ah oo kale, Haddii aad isfahmi waysaan gabdhaan waad kala tegeysaan, Xitaa STRESS malahan waayo dhib kuma jiro awalba SHARE ayaad la ahayd. Yaa halkaan ku khasaaray waa GABDHA. Laakiin waxaa aduunka wareeriyey; MUNAAFIQIINTA feministiga ah ee doonaya ''In ay isku haystaan diinta feminism iyo tan islaamka'' MUNAAFAQAAS ma shaqeyneyso.
Dumarka si dhab ah usoo arkay xaqiiqada Nolasha ee suuqa ka jirto, Aragtidaan way ka fogaadaan xitaa lama maqalsiin karo FEMINISM, Sababtoo ah waa culeys iyo Stress oo dumar aysan ka bixi karin, bal eeg; Gabdh ka walwaleyso in ay kirada guriga bixiso iyada oo uu nin qabo, Oo subax kasto shaqo u carareyso. Gabdh ku dhaheysa ninkeyga ayaa deyn iigu leh, Korontada ma bixinin. Lol
Xaqiiqdii, Si kasto aad aad ugu dul wareegto Nolasha dhulka iyo afkaar weliba ma jirto wax uu Illaahay reebay oo waxyar nafci ah laga helaayo, Stress, Buuq, qalbi xanuun bes ayaa laga dhaxlaa iyo oon aan dhammaad lahayn, Qofkii jecel aragtidaas wuu soo dhadhamin karaa ileen cadaabtu qofk isaga ayaa soo arkaaye.
------------------
Qoraalkaan ma quseeyo MUNAAFIQIINTA FEMINISTIGA ee raba in ay isku helaan laba diin oo kala duwan, Islaam iyo feminism. (Hal dhinac waa in loo go'aa). Haddii aan muslim nahay ''Kusoo dhowoow Nolasha qawaamada RAGGA, iyo boqortooyada DUMARKA. Haddii la dhaho FEMINISM ayaa rabnaa ''Waa in loo qataa sida saxda ah'' si loo arko midka ku jabayo aragtidaan.