Ku dedaala oo nafta dul dhiga cibaadada inta aan layna kala teedin… — Zuldan Media — TG.ME

Ku dedaala oo nafta dul dhiga cibaadada inta aan layna kala teedin innaga & cibaadada. Aynu dhadhansanno oo macaansanno Qur’aanka, masaajidka aynu la saaxiibno oo fadhigiisa badsanno, sujuudda aynu ku dheeraanno oo ducada badsanno inta aynu xoogga leennahay, ka hor inta aan jidhku ina jilcin oo aynaan kursi ku tukan, deedna sujuudda aynu xammili wayno in aynu madaxa hoos u yar dhigno mooyee.

Aynu ka faa’idaysanno dhalinyarnimada & caafimaadka oo aynu sahay badan qaadanno, inta aynu awooddeeda leennahay, caafimaadku waa gallad, awoodduna waa fursad, mahad celinta galladaha Ilaahayna waa adigoo wanaagga, samaha & cibaadada u adeegsada.

Ilaahayow jidkaaga noo fududee, cibaadadana na jecalysii oo dhadhankeeda nagu arsaaq 🤲🏻.
❤8👏1
September 5, 2026 308