Saban Tagay Xusuustisa
Raad Raaca Siinlayda
Socod Barashadi Dooda
Saxarliyo Abaarteeda
Adigan Wax Saaraynin
Sanad Iyo Garaadkisa
Saadashu Been Weeyi
..
Ha sar wicin Qof Kaageda
Hana Sugin Nin Ka Maarmay
Hana Sign Mar Mooyane
Nin Ku Siray Ha Faalaynin
Sababaha Ha Weydiinin
Haw Seeto Dheeraynin
Hana Sidin Culayskiisa
Siriq iyo ku qabo Baydo
Hana Falin Sidu Yeelay
Nin Ku yidhi Ana Saas Ah
Ha ku Odhan sidaas Mayhid
......Abwaan Xadaraawi....
13August 5, 2026 1.5K 3