HOOYOOY, TALEFOONKU MA BARBAARIYO ILMAHA… ADIGAA BARBAARIYA!
Talooyin ku socda waalidiinta casrigan nool, gaar ahaan hooyada
“Hooyo, waxaad iga tagtay anigoo shaashad horteed fadhiya, laakiin weli ma aqaan wax akhriska.” Ilmo yar!
Hooyo kasta waxay jeceshahay ubadkeeda, laakiin mashquulka iyo daalka awgood, mararka qaar telefoonka ayaa noqda xalka ugu fudud: ilmuhu markuu ooyo waa loo dhiibaa, markuu caajiso waa loo furaa.
Laakiin ogsoonow shaashaddu way aamusiin kartaa ilmaha; mase barbaarin karto.
Maskaxda ilmaha waxa dhisa xidhiidhka waalidka,
Sannadaha hore ee koritaanka ubadku waa xilliga ugu muhiimsan horumarka maskaxdooda. Cilmi baadhis ay soo bandhigtay UNICEF waxay sheegtay in maskaxda ilmuhu samayso in ka badan hal milyan oo xidhiidh neerfeed ilbidhiqsi kasta, waxaana horumarka maskaxda doorka ugu wayn ku leh waayo-aragnimada iyo xidhiidhka dadka waaweyn.
Sidoo kale, Hay’adda caafimaadka aduunka ee WHO waxay ku talinaysaa in carruurta yaryar la xaddido waqtiga shaashadda, looguna beddelo akhris, ciyaar, dhaqdhaqaaq iyo wada sheekaysi waalid.
Shaashadda oo uu ilmuhu waqti badan ku qaato waxa lala xidhiidhiyaa dhibaatooyin ku yimaadda ubadka yaryar hurdadooda, af barashadooda, feejignaantooda, waqtiga ciyaarta iyo xidhiidhka uu la leeyahay/ lana lahaan doono qoyska
Ubadku waa ammaano,
Ilaahayسبحانة وتعالى wuxuu ina amray inaan nafteenna iyo ehelkiinnaba ka ilaalino Naar
﴿قُوا أَنفُسَكُمْ وَأَهْلِيكُمْ نَارًا﴾.
Sidoo kale, Nabigu ﷺ wuxuu inoo caddeeyay in dhammaanteen aan nahay masuul, laynana waydiin doonaa wixii aan masuulka ka ahayn maalinka qiyaame.
Haddaba, mas'uuliyadda hooyadu kuma eka cunto iyo dhar; balse waxaa ka mid ah iimaanka, akhlaaqda, aqoonta iyo caafimaadka maskaxeed ee ilmaha.
Qur’aanku wuxuu inoo tusaaleeyey Luqmaan oo wiilkiisa si joogto ah ula hadlaya: wuxuu baray Tawxiidka, Salaadda, akhlaaqda iyo samirka. (Suuratu-Luqmaan: 13–19). Taasi waxay ina baraysaa in tarbiyadda wanaagsan ay u baahan tahay waqti iyo wada hadal.
Hooyo, ilmahaagu ADIGA ayuu kuu baahan yahay.
Nabigu ﷺ wuxuu yidhi: “Qofkii aan u naxariisan carruurtu, naga mid ma aha.” (Tirmidi & Abuu Daa’uud).
Ilmuhu wuxuu u baahan yahay: codkaaga, indhahaaga, gacantaada, waqtigaaga iyo ducadaada.
Taleefanku wuxuu siin karaa muuqaal; adiguna waxaad siin kartaa macne.
Taleefanku wuxuu siin karaa macluumaad; adiguna waxaad dhisi kartaa qofnimo.
10 daqiiqo oo maalin kasta ah
Maalin kasta:
10 daqiiqo u akhri buug ama sheeko.
10 daqiiqo la hadal oo dhageyso ilmahaaga.
10 daqiiqo la ciyaar oo wax la samee.
10 daqiiqo qur’aan iyo duco la wadaag.
Taas oo macnaheedu yahay u samee ubadkaaga waqtiyo shaashad-la'aan ah, gaar ahaan waqtiyada cuntada iyo ka hor hurdada. Adigu noqo tusaale: haddii aad rabto ilmo wax akhriya, ha ku arko adiga oo wax akhrinaya.
Ugu dambayn, Hooyo, ha u oggolaan shaashaddu inay noqoto qofka ugu badan ee ilmahaaga la hadla.
Adiga ayaa ah macallinkiisa ugu horreeya, gurigiisa ugu horreeya, iyo tusaalaha uu maalin kasta daawanayo. “Carruurteenu maanta waxay ku daydaan waxa aynu samayno; berrina waxay noqon doonaan waxa aynu maanta ku barbaarinno.”
10 daqiiqo oo aad maanta ilmahaaga siisay waxay ka qiimo badan tahay saacado uu shaashad horteed ku qaatay.
Hooyo, taleefanku ma barbaariyo ilmahaaga… Adigaa barbaariya.
W.Q: Cabdiraxman Aadan Shire
Jimce.
21 August, 2026.
Xigasho