🌙🕌U diyaar garowga ramadaan.
Waxaan halkan kuugu sheegay dhawr qodob oo inoo fudidaynaya diyaar u ahaanshaha ramadaan. Si aynu caqligeen iyo qalbigeenaba ugu diyaar ahaano inaynu ka faaidaysano ramadaan.
1️⃣Diyaarso qorshahaaga bisha ramadaan iyo ahdaafta aad dooneyso in aad ka dhabeyso, acmaasha aad doonayso inaa gaadho bishaas waa inay kuu qorshaysanyihiin. Tusaale, quraanka intee jeer baa doonaysa inaa dhamayso, tasbiixda, digriga intee jeer baa kuu qorshaysan inaa akhriso waa inay kuu qoranyihiin dhamaantooda.
2️⃣Qorto dhamaan ducooyinkiina oo buug ku qorta ama mobelka ku qorta, ducooyin baahiyahaaga quseeyo qoro bisha ramadaan waa waqti ay riyooyin badan kugu dhaboobi karaan hadii aad sifiican uducaysato, marka ducooyinkaada hakuu qornaadaan oo ha noqdaan kuwo xilli walba aad ku ducaysanayso. Ducooyinkaada hasoo koobin ilaahay si balaaran wax kasta uwaydiiso.
3️⃣Salaadaha, quraan akhriska, digriga, symptoms iyo adkaaraha intaba haday kugu adag yihiin ama mid kamid ah haday kugu adagtahay hadan nafta edbi kusii tawabar hadba wixii kugu adag.
4️⃣Diyaarso goob guriga kamid ah ama qeyb qolkaaga kamid ah oo aad ku cibaadaysato, diyaarso dhar gaar ah aad ku cibaadaysato.
5️⃣U diyaar garoow inaa cunto cunto caafimaad leh iyo biyo badan, sanbuus iyo burkii dayn maynee laakiin inaynu yarayno qudaarta lacuna, furuutiskii la cuno, biyaha lacabo.
6️⃣ka fagoow ama iska yareey waxyaabaha aad la qabatintey sida: taleefanka, social media, coffe, waqti lumiska, meel iska fadhiga, jadwal la aanta, hadalada aan wanaagsanayn oo aad dhahdo, cayda, xanta iyo wax kastoo aad la qabsatayba.
7️⃣Ka har saaxibada xun xun ee caajiska badan ka bax guruubyada waqtiga kaa luminaya kala laabo followda dadka soo gudbiya waxyaabaha aan faa'idada laheyn. Dooro saaxiib wanaagsan.
8️⃣Bisha ramadaan inta ka hartay dhagayso macluumaad iyo casharo quseeya bisha ramadaan.
9️⃣soo iibso ama Diyaarso buug aad ku qoroto barnaamijyada lasoo daynayo ramadaanka, magacyada ilaahay aad ku baranayso iyo kuwo kalaba.
🔟sii niyayso inaad soomaysid.
Share ku dhaho facebookaaga si aadan u ilaawin.
Ka faaidaysi wacan
.