"Marka aad kor usocotid, dadka aad sii mari dontid ha xumeynin, waxa laga yaaba ado soo jabay in aad soo martid" waa oraah cajiib ah oo ka turjumeysa waayaha lyo wacaalka
adduunka ee kala warega ah. Waa odhah wacyi iyo wano ugu filan kan sareynta dareemaya ee hawada isla jooga, waa odhah dhirigalin u ah kuwa halganka usaxiibka ah, waa oraah ay ka madhan tahay kala sareynta, lehna sinaan iyo xasuusin mug iyo miisan leh. Dadka wanaaji waayo waxaa laga yaaba marka aad soo jabto in ay ku caawiyaan oo ku garab siiyan kuwaa shalay wanaajisay. Soomaali ayaa ku mahmahda "far kali ah fool ma dhaqdo" oo lamicne ah qof kali ah ma guuleysto. Eeg dadka guleystay waa dad ay garab iyo gaashan u yihiin dad kale. Qofkasta oo guuleysta team ayaa guushiisa ka dambeeyay, ma'ahan guul ku timid "far kali ah" ee waa guul ku timid shan farood iyo calaacal.
Markaa guuleysato ha goyn kuwa guushaada ka dambeeyay, markaa guusha raadineyso dadka wanaaji oo guusha ha ku raadin xumaan waayo waa guul dareysan kartaa oo waa soo jabi kartaa!