Xukunka barashada cilmiga shareecada
Barashada cilmiga shareecadu waxay u qaybsantaa laba nooc:
Nooca koowaad: Cilmiga waajibka ah, kaasoo isna laba qaybood ah:
Qaybta koowaad: Waa cilmi waajib ku ah Muslim kasta oo rag iyo dumarba leh. Waxaa ka mid ah barashada aasaaska caqiidada, tiirarka iimaanka, iyo sida loo tukado, loo soomo iyo wixii la mid ah.
Qaybta labaad: Waa cilmi waajibnimadiisu ku kala duwan tahay dadka iyo xaaladahooda, mana aha waajib qof kasta saaran.
Tusaale ahaan, qofka awooda inuu xajiyo waxaa waajib ku ah inuu barto axkaamta xajka, halka qofka aan awoodin aysan waajib ku ahayn inuu barto axkaamta xajka.
Sidoo kale, qofka wax iibinaya ama wax iibsanaya waxaa waajib ku ah inuu barto axkaamta iibka iyo gadashada, halka qofka aan arrintaas ku hawlanayn aysan waajib ku ahayn.
Qofka maal haysta waxaa waajib ku ah inuu barto axkaamta zakada, si uu hantidiisa uga bixiyo zakada si sax ah, halka qofka aan hanti zakadu ku waajibto lahayn aysan waajib ku ahayn inuu barto axkaamta zakada. Sidaas oo kale ayay arrimuhu u kala duwan yihiin.
Nooca labaad: Cilmiga mustaxabka ah (la jecel yahay), waana barashada wixii ka badan cilmiga waajibka ah; taas oo ah in la barto dhammaan cilmiga ku jira Kitaabka Alle iyo Sunnada Rasuulkiisa ﷺ.
Abuu Cabbaas Ibnu Taymiyah رحمه الله wuxuu sheegay:
“Ku camal-falka waxyaabaha mustaxabka ah waa mustaxab, hase yeeshee barashada waxyaabaha mustaxabka ah waa waajib kifaa’i ah oo Muslimiinta saaran.” majmuuc al-fataawaa (4/436).
Waxan ka soo turjumay kitaabka: muhimmaat fii dalab al-cilmi, waxa qoray: cabdicasiis ibnu rays, bogagga 2-3.