Warka Saaka
1. Duqeyn #madaafiic ah ayaa xalay lala beegsaday xerada ciidanka #Burundi ay ku leeyihiin degmada #Balacad ee gobolka #Sh_Dhexe.
2. Guri uu degmada #Buula_Burte ka degan yahay #sarkaal katirsan sirdoonka Dowladda ayaa habeenkii xalay qarax lagu xiray, waxaana xilliga #qaraxa dhacayay guriga ku sugnaa #sarkaalka lala rabay. Sarlkaan ayaa lagu magacaabaa #Nuur_Jiikaay, guriga ayaa burbur xooggan soo gaaray.
3. Askarta #Kenya ee ku sugan degaanka #Hoosingoow ee gobolka #Jubada_Hoose ayaa habeenkii xalay #dagaal culus lagu qaaday, dagaalka oo waqti qaatay ayaa wali wax faahfaahin ka soo bixin
4. Ciidamo Itoobiyaan ah ee saldhigga ku leh #garoonka magaalada #Baydhabo ayaa xalay #madaafiic lagu garaacay, sido kale waxaa #weerar isla xalay lagu qaaday askarta Dowladda ee ku sugan saldhigga #Makuundo ee Baydhabo, sido kale #Xera_Koobaad oo ku taalla degmada #Dinsoor ayaa sido kale xalay #dagaal lagu ekeeyay.
5. Weerar xoogan ayaa lagu qaaday ciidanka #Uganda ee saldhigga ku leh degaanka #Golweyn ee udhow magaalada #Buulo_Mareer
19
1October 25, 2024 11.6K 2 1