﴿ لِكَيْلَا تَأْسَوْا عَلَىٰ مَا فَاتَكُمْ ﴾
“Si aydnaan uga murugoon wixii idin dhaafay.”
Ma jirto fursad dhab ahaan kaa luntay. Wax kasta oo ku seegay, asal ahaan qaybtaada ma ahayn. Haddii aad dib u milicsato wax kasta oo aad rabtay balse aadan helin, waxaad ogaan lahayd in khayr badan uu ku jiray inaadan helin.
Mararka qaar badbaadadu waxay ku jirtaa in wax kaa tagaan.
Raxmadda Alle ee ku jirta wax kaa reebista mararka qaar way ka weyn tahay tan ku jirta wax ku siinta. Sababtoo ah marka wax lagu siiyo, inta badan waa waxa adigu naftaada u dooratay; laakiin marka lagaa reebo, waa waxa Alle kuu doortay xikmaddiisa.
Doorashada Alle ee addoonkiisa ayaa ka khayr badan doorashada addoonku naftiisa u doorto.
🤍 Qaddarka Alle oo dhan waa khayr, xitaa marka uu qalbiga ku xanuujiyo.
Xigasho
Arwo Abshir












