Yaa yidhi jacaylka laawa ilaawaa, 4-sanno baa kasoo wareegatay Kala hadhkeenii se hal habeen ma seexan anoon Kaa fikirayn, waan daalay. cidlaan kaligay dhex taagnay, waan awood yareeyay. riyo aan dhamaanayn, rajo aan dhaboobayn.
Waxaad ahayd qofkii ugu horeeyay ugunna danbeeyay ee aan si dhaba u jeclaado, inaan ku waayay wax walba oo dunidda saaran way iga fogeeyeen, xidhiidh danbe waan Ka dhaartay.
Miyaysan ugu filayn inaan 4-sanno aanan hal gabadh xidhiidh la samayn, adigoo waliba xidhiidhkeenii dhameeyay ayaan Ka xishoodaa inaan dabadaa qof jeclaado. Qalbigii Adiga ku jeclaaday maysagaa qof kale usoo jeesanayaba. Wax walba oon sameeyaa waan Ku ilaawi waayay. Ma awooddo Hadaan karayo sow noloshan kama baxeen.
Wax walboo igu dhacay adigaa u sabab ah, dacwo kama ihi oo ilaahay baa ii qoray inaan dhibkan maro, manna awooddo inaan intaas Ku sio jiro. Waan daalay.
Waan ogahay inaadan waxba Ka ogayn xaaladayda ma jecli inaan xanuunkayga Cid tuso. Afar-taas sanno habeen aanan ku fekerinin inaan kugu ooyo ma jirto. Se jacaylka aan kuu qabo xataa inaan Kaa oohisiiyo wuu ii quudhi waayaa.
Kumanaan goor ayay dhahaan waala ilaawaa, noloshu iyadaa iska soconaysa, Aniga se taydu maba socoto oo wali halkii aad igagatagtay bay taagantahay.
"Qayrkaa kama waayin qaaradahee
Adaa qarqarada wadnaha qabsadoo
Qalbiga magacaagii baan Ku qoree."