9-Ducada Alle Alle qofka tuugaa saddex jawab ayuu midkood siiyaa, oo wax la’aan ma dhigo addoomadiisa, ducadiisana wuu aqbalaa. Mar ducadaada sida ay tahay ayaa loo aqbalaa Marna waxaa lagugu dhahaa wali waqtigaaga lama gaarin oo qaddarta ma dhicin. Marka saddexaadna waxaa la dhahaa wax ka wanaagsan waxa aad tuugayso ayaan kuu diyaarinay ee sugo. Mmusa 10- Saddex Waji Qof walba saddex waji ayuu leeyahay Laba wuu muujiyaa oo waa laga arkaa, midna ma muujiyo oo isaga ayaa isku qaas yeelo. Waji dunida ayaan tusnaa. Wajina dadka aan danta ka leenahay si aan ugu dhawaano. Midna cid ma tusno oo inaga ayuu nagu qaas yahay. Mmus 11- Farxad doon Haddii aad doonaysid in aad farxad ku noolaato yeelo Hadaf, dad iyo wixii kasoo harana ka har warkooda. Mmusa 12-Adduunyo qiima laay Adduunyada haddii ay qiima leedahay dadkii Alle doortay ee wanaagsanaa lagama qaateen, waxaa isku soo haray Munaafaqiin iyo Kufaar isku adeegaya oo is walaashanaya, iyo mu’min imtixaaman oo lagu imtixaamay mid u nasab sheegta diintiisa. Mmusa 13-Kaligaa ayaad ahaanaysaa Bilowga noloshaada wax walba waa kula jiraan, wax walbana waad haysataa, marka korriimada nolosha ay kuu bilaabato, Nolosha waxay bilowdaa in ay kugu riixdo Waddo aad kaligaa ku noqon doonto dunida ilaa maalinka ugu dambeeya noloshaada, Alle oo kaliya ayaan mar walba kaa harayn oo bilowgaaga ilaa dhamaadkaaga kula jira, isla isaga ayaana hadhow ku dhiganaya halka uu kuu doortay (Janno iyo Naar) 14-Salliga Nabiga scw Qofki doonaya Laab dagan, Dambi dhaaf, kurbada oo laga feedo, isku buuqidda uu ka baxo, ha badiyo Salliga Nabiga Scw. Mmusa 15-Xaqiiqda Nolosha Xaqiiqda Nolosha ayaa ah mid ka kooban Farxad, Khibrad, Xusuus, iyo shallayto. Wax walba oo wanaagsan, waa inoo Farxad Imtixaan walba oo la kulano, waa inoo Khibrad Waqti adag iyo mid wanaagsan oo aan soo marnayna, waa inoo xusuus Xumaan ama arrin aan qaab xun u maamulnay oo cawaaqibkeeda aanan mahadina, waa inoo shallayto, oo mar walba waxaan ku hadaaqnaa haddii aan sidaa samayn lahaa, haddaan sidaa yeeli lahaa. Mmusa 16-Asxaab xun Waxaa la dhahay asxaabta xun oo kugu badataa micnaheeda waa maladaada xun ee ku aaddan asxabta wanaagsan oo badataa. Mmusa 17-Dulqaadkaaga Dulqaadkaaga oo bata, lagu daray riixidda ama cadaadis badan oo lagu saaro, wuxuu ku gaarsiiyaa maalin aad xitaa aamini waydo cudurdaarka dhabta ah ee qof kuu cudur daarto. Mmusa
9-Ducada Alle Alle qofka tuugaa saddex jawab ayuu midkood siiyaa, oo… — Maahmaahyo — TG.ME
February 16, 2023 13.7K 23