Alxamdulillaah, Waxaan ugu horrayn u mahadnaqaynaa Alle SWT oo inoo suurtageliyey in si qurux badan oo midho-dhal ah uu innoogu qabsoomay kulankii 1-aad ee taxanaha “Dhabta iyo Dhaalinta - Sannadkiisii 3-aad.
Waxaan sidoo kale si gaar ah ugu mahadnaqaynaa Shiikhii kulanka iyo barnaamijka innoo soo jeediyey, oo si qoto dheer, habaysan oo aqoon ku dhisan uga hadlay mawduuca:
“Sidee dhallinyaradu uga badbaadi karaan afkaaraha qarriban ee casriga ah?”
Shiikhu wuxuu mawduuca u kala dhigay dhowr qodob oo muhiim ah. Ugu horrayn wuxuu ka hadlay marxaladda dhallinyarada, iyo muhiimadda ay leedahay iyo sababta ay xilligan si gaar ah ugu nugul yihiin saameynta afkaaraha kala duwan. Marka xigta, wuxuu sharraxay afkaaraha casriga ah ee soo baxay xilligii gumeysiga reer Galbeedka ka dib, sida: ilxaadka (horey u jirey), is-reer galbeedaynta, Calmaaniyadda, libraaliyadda iyo gaaleysiinta dadka. Sidoo kale raadkii ay ku yeesheen fikirka, qiyamka iyo jihada nololeed ee bulshada Muslimka ah. Sidoo kale, wuxuu si qoto dheer uga hadlay sida dhallinyaradu u qaataan afkaaraha qarriban, sababaha ka dambeeya nuglaanshahaas iyo dariiqyada ay fikradahaasi ugu dhex faafi karaan garaadka qofka dhallinyarta ah.
Ugu dambayn, wuxuu soo bandhigay shiikhu sida looga badbaadi karo afkaaraha qarriban ee casriga ah, isaga oo xoogga saaray muhiimadda barashada diinta, aqoonta saxda ah, fahamka, baraarugga, fikirka naqdiyaysan iyo ku dhegganaanshaha qiyamka suuban.
Waxaan sidoo kale si weyn ugu mahadnaqaynaa dhammaan kasoo qayb-galayaashii waqtigooda iyo dadaalkooda geliyey kulankan, gaar ahaan kuwii ka qayb qaatay doodda iyo is-weydaarsiga aqoontaba. Ka-qaybgalkooda firfircoon dhallinyaradu wuxuu kulanka ka dhigay mid qiimo iyo waxtar badan.
Mahadsanidiin