XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) 1-Saddex iskuma kaa qabato Saddex in aysan isku kaa qabanayn waligaa maankaaga ku hay. In aadan dhimasho ka badbaadayn maankaaga ku hay. In nolosho aysan raaxo joogta ah lahayn, mar walbana dhibkeeda iyo dheefteeda ay is garab socdaan. In aadan dadka ka nabad galayn marnaba, xitaa haddaad nabad galiso. Mmusa 2-Ha u qurxin Ha u qurxin qofka hadal uusan si dhab ah dareenkiisa kuu galin, hana ku dhihin qofka hadal aan qalbiga kaa jirin, maxaa yeelay labadaas sifaba waa sifada munaafaqnimada, iyo muujinta daciifnaantaada. Mmusa 3-Noqo Qofka aad tahay Iska dhigidda ama iska doon doonidda aad qof kale iska doontaa micnaheeda waa in aad lumisaa ama garan waysaa shaqsiyaddaada dhabta ah, kadibna waxaad bilaowdaa in aad dib isku raadiso adiga oo aqoon halka aad iska heli lahayd, hadaba, noqo qofka aad tahay ama aad doonayso in aad noqto marba haddaadan Alle caasinayn, inta badan oo aad noqotaa qofka aad tahay waa inta badan ee aad Qurux badan tahay. Mmusa 4-Dacwo iyo Dareen Haween midda ugu murugada badan waa midda ka cabsata mar walba in uu ninkeeda Naag kale la guursado amaba aan ku kalsoonayn, mar walba waxay ku mashquushaa telkiisa, meelaha uu aado,shaarkiisa carafta kasoo duxaysa, haddii ay ahayd barafuunka gurigeeda yaala ama mid kale oo aysan aqoon, waa qof wax ka baqaya, isma oga oo waxay dhib ku haysaa nafteeda iyo tan ninkeeda, waqti uma haysato in ay ninkeeda si kale u hanato oo isku qurxiso, mar walba dacwo iyo dareen xun ayaa ku jira, dooddeedana dhamaad ma lahan, haweenayda nuucaas ah ninka haysan kara waa kuma? Mmusa 5-Waad nasiib badantahay. Ma jiro qof nasiib daran, hadduu jirana waa qof aan iimaan lahayn, macnaha dadnimadana aan garan karin, qof walba Alle ayaa abuurtay, isaga ayaan u doortay sida uu doonayo in uu noqdo, bal ka waran adiga muslimka ah haddii aad mar walba dhahdo waa nasiib xumahay ama nasiib ma lihi, bal is waydii maxa kaa maqan? maxaase ka nasib badan in laguu doortay in aad muslim Alle kaliya caabudayo aad noqotid oo aadan ka mid noqon kuwa Asnaamta caabudo amaba aan diinta lahayn? . Mmusa 6-Ooyi lahaydaa ama Qosli lahaydaa… Waqtiga noloshaada wuu soconayaa, sida loogu tala galay ayuuna ku soconayaa, Ooyi lahaydaa ama Qosli lahaydaa, hubaal in murugada ama wal walka uusan waxba ka baddalayn Qaddarta kugu dhacday iyo sida aad noqon lahayd, adiga ayuu kusii culaysiinayaa ma ahee. Waxaa la yiri “walwalku waxba kama taro xanuu kaaga barrito, ee wuxuu u baas tagaa caafimaadkaaga maanta. Mmusa 7-Dib uma soo ceshan karno Dib uma soo ceshan karno sharaftii inaga luntay iyo qiimihii nolosheena ee aan maashaynay 25 kii Sano ee inasoo dhaafay, balse mid waan samayn karnaa, waan is baddali karnaa, waanu iska dhigi karnaa Umad gabi ahaanba ka duwan umaddii shalay ee jahliga iyo qabyaaladda ay daashatay, hormood waan u noqon karnaa umadaha dhigeena dunida ah, dadnimadeenana dib waan u heli karnaa, waasa goormee? waa marka isbaddal in aan samayno aan daacad ka noqono, dibna u eegin wixii inaga dhacay, diiraddana saarno dunida horteena ah ee ina sugaysa. Mmusa 8-Dumar waxaa ugu farxad badan. Dumar midda ugu farxad badan waa midda seexata iyada uusan qalbigeeda ku jirin ka fakaridda nin iyo xaaladdiisa, soona toosta iyada oo nafteeda farax galisa, uusana jirin nin xurriyaddeda hogaanka u haya, iyo jacayl cadaabaya laabteeda. Su’aashaydu waxay tahay ma tahay qoftaas heblaay. Mmusa
XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) 1-Saddex iskuma kaa qabato Saddex… — Maahmaahyo — TG.ME
February 16, 2023 11.5K 10