Waa sheeko run ah, waxay ka dhacday Sucuudiga sida la sheegay. Nin… — Koryaal — TG.ME

Waa sheeko run ah, waxay ka dhacday Sucuudiga sida la sheegay. Nin baa xaaskiisa uga shakiyey in uu jin durreeyey, kaddibna wuu kaxeeyey oo nin sheekh ah buu u geeyey si uu Quraan ugu akhriyo. Markuu ku akhriyey ayuu jinkii ka dhex qayliyey haweenaydii, wuxuuna yidhi waan ka baxayaa, laakiin shardi baan ku xidhayaa? Sheekhii wuxuu ku yidhi bax shardi la'aan. Jinnigii: horta iga dhegayso shardigayga marka hore. Sheekhii: haye sheeg. Jinkii: Waan ka baxayaa, laakiin waxaan gelayaa ninkeeda!! Ninkii baa isaga oo argagaxsan meeshii ka booday. Sheekhii: Maya, ma gelaysid ee bax. Jinnigii: ma ogtahay sababta aan u doonayo in aan ninka u galo? Sheekhii: Maxaad u doonaysaa? Jinnigii: ninku ma tukado! Sheekhii: Waar ma dhabbaa, waxa uu sheegayaa? Ninkii: Waan tukadaa wallaahi, waa beentii! Sheekhii: Jinniyow dhegayso, ka bax, gurigooda agtiisa fadhiiso, haddii uu tukan waayo gal. Jinnigii: haye. Muddo kaddib, ayay haweeneydii la soo xidhiidhay sheekhii, oo u mahad celisay, wuxuuna weydiiyay xaalka ninkeedii. Waxay tidhi: Isagaa fura albaabada masjidka!! kkkk Sheekhii intuu aad u qoslay ayuu saaxiibadii oo la fadhiya ku yidhi: jinkii waxaannu u dirnay shaqadii "Hay'addii wanaag farista iyo xumaan reebista" kkkk Waxa la sheegay in aanu gabadha jin ba ku jirine ay sheekha kula heshiisay sidii uu ninkeedu u tukan lahaa! Kkk Qaar badan baa u baahan in uu jin galo si ay u tukadaan kkkk Dumarow raggiina salaadda ku ilaaliya. Xigasho : Dr abdiqani beder

December 19, 2025 391