#Musiibada_baraha_bulshadu ku hayso dhalinyarada.
Sidee qofku wax u qabsan karaa isagoo sidaas waqti badan ku luminaya?
Sidee qof maalin kasta u raaci karaa dantisav Facebook, isagoo daawanaya story-yada, reels-yada, isla markaana mar kasta rogaya wararka cusub; dabadeedna u gudbaya Messenger si uu uga jawaabo farriimaha loo soo diray?
Kadib wuxuu u gudbaa WhatsApp, wuxuu uga jawaabaa qofkii la soo xiriiray, wuxuu daawadaa status-yada, qaarna wuu ka faalloodaa.
Markaas wuxuu u gudbaa Instagram, si uu u arko faallooyinka lagu qoray sawirkiisii ugu dambeeyay, wuuna uga jawaabaa. Intaas kadibna wuxuu bilaabaa inuu daawado muuqaallada, stories-ka iyo reels-ka, ugu dambayntiina wuxuu uga jawaabaa farriimaha Instagram-ka.
Markuu intaas dhammeeyo, wuxuu furaa YouTube, wuxuuna daawanayaa muuqaal ku saabsan qof hebel oo xaaskiisa ka sameeyay kaftan ama prank; isagoo leh: “Kaftan aan caadi ahayn, ha seegin!” Markuu muuqaalkii dhammeeyana wuxuu u gudbaa muuqaallo kale oo gaagaaban, isagoo midba midka kale ka daba rogaya.
Ogeysiisyaduna ma dhammaanayaan; midba meel ayuu qofka uga yeerayaa, meelba meel ayuu uga jiidayaa. Intuu wareeggan ku dhex wareegayo barahaas kala duwan, isla markiiba wuxuu dib uga bilaabayaa bilowgii: Facebook ayuu mar kale furayaa!
Haddaba sidee qofkani wax u qabsan karaa?
Qofkan oo ah hab-dhaqanka ay ku nool yihiin dhallinyaro badan, marka laga reebo kuwa Alle u naxariisto, sidee buu:
Shaqadiisa u gudan karaa?
Waxbarashadiisa u dadaali karaa oo naftiisa bulshada dhexdeeda kor ugu qaadi karaa?
Salaadihiisa u ilaalin karaa?
Xuquuqda qoyskiisa u gudan karaa?
Wirdiisa Qur’aanka u akhrisan karaa?
Jimicsigiisa u samayn karaa?
Xifdinta Qur’aanka u bilaabi karaa?
Cilmiga shareecada u baran karaa?
Xirfad cusub u baran karaa?
Buug cusub u akhrisan karaa?
Noloshiisana wax ugu kordhin karaa?
Sidee buu uga bixi karaa nolosha khiyaaliga ah ee muuqaalka, is-muujinta iyo faanka aan xaqiiqda ku dhisnayn, una bilaabi karaa nolol dhab ah oo qiimo leh?
Kadib haddana qofkani wuxuu yimaadaa isagoo ka cabanaya nolosha, nasiibkiisana ka tiiraanyaysan!
Runtii wuxuu run sheegay Nebigeenna ﷺ markii uu yiri:
“Laba nimco ayaa dad badan lagu khasaaraa: caafimaadka iyo firaaqada.”
🤍 Walaalkayow, ka faa’iidayso inta kaaga hartay!
Alle kaalmo ka dalab. hana isdhiibin.
Ha lumin waqtigaaga; waayo waxa maanta kaa lumaya berri dib kuuguma soo noqonayo.
#madal_waacid
#Facebook. #soomalia@FAHANKANOLOSHA35