Rasuulku {ﷺ} waxa uu yidhi: “Anaa u damaanad qaaday guri jannada… — Xadiiska Maanta — TG.ME

Rasuulku {ﷺ} waxa uu yidhi: “Anaa u damaanad qaaday guri jannada dacalladeeda ku sugan ciddii muranka iyo asaraarka ka tagtay haba ahaado mid isagu gar leh oo xaq ku sugane. Guri jannada dhexdeeda ku sugan ayaan u damaanad qaaday ruuxa ka tagay beenta haba ahaado mid kaftamayee. Guri jannada xaggeeda sare ku sugan ayaan u damaanad qaaday ruuxa dhaqankiisu wanaagsanaado.”

Xadiiskani waxa uu inoo tilmaamayaa saddex arrimood:- Arrinka 1aad Ruuxa iska daaya muranka iyo asaraarka ee Ilaahay dartii uga taga isagu mid xaq ku suganba ha ahaadee in loo damaanad qaaday guri jannada dacalladeeda ku sugan.

Arrinka 2aad waxa kale oo xadiisku tilmaamayaa in Nebigu SCW u damaanad qaaday guri jannada dhexdeeda ku sugan cidda beenta iska daysa ee aan la imanin xattaa haddii ay kaftamayso.

Arrinka 3aad ee Xadiisku sheegayaa waxa ay tahay in Nebigu SCW u damaanad qaaday guri jannada xaggeeda sare ku sugan ciddii akhlaaqdiisu ay wanaagsanaato.

📌𝑺𝒊𝒊 𝑭𝒂𝒂𝒇𝒊 𝑿𝒂𝒅𝒊𝒊𝒔𝒌𝒂 Maanta.
https://t.me/XadiiskaMaanta
❤5🥰1
September 3, 2026 187 3