Xadiiska waxa laga qaadanayaa qofka innoogu khayr badan in uu yahay qofka Qur'aanka bartay ee dadka baraya.
Waxa aad ogsoonaataa qofka aad bartay aayad ka mid ah kitaabka ILAAHAY ajarkeeda ayaad helaysaa inta aayaddaa qofkaasi uu akhrinayo.
Bal kawaran qofka Faatixadii uu ku tukan lahaa aad u saxday? Maalintii ugu yaraan 17-jeer ayuu akhrinayaa qofka salaadaha faralka ah uun tukada ee aan wax sunne ah raacinin. Haddii uu sunnayaasha raacinaya ka sii fadli badan.
الدال على الخير كفاعله
ـــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــ
📌𝑺𝒊𝒊 𝑭𝒂𝒂𝒇𝒊 𝑿𝒂𝒅𝒊𝒊𝒔𝒌𝒂; iskuday ugu yaraan in aad hal qof sii gaarsiiso.
https://t.me/XadiiskaMaanta




