𝗭𝗔𝗞𝗔𝗔𝗧𝗨𝗟 𝗙𝗜𝗗𝗥𝗜
Qoraalkan waxaan ku faaqidi doonaa Zakaatul fidriga waajib ahaantiisa , wuxuu yahay iyo siduu ku gudayo.
Waxaa laga weriyey Cabdullaahi bin Cabbaas alle haka raali noqdee inuu yiri :"Rasuulkii Ilaahay ﷺ wuxuu faral yeelay Zakatul Fidriga, si ay ugu noqoto daahirin qofka sooman oo laga nadiifiyo hadallada aan fiicnayn iyo falalka xun, isla markaana ay u noqoto cunto la siiyo masaakiinta.
Qofkii bixiya ka hor salaadda Ciidda, waa zakaa la aqbalay. Qofkii bixiya ka dib salaadda Ciidda na waxay noqonaysaa sadaqo ka mid ah sadaqooyinka caadiga ah." 1
Sidoo kale, qofkii aan awoodin inuu bixiyo subaxa Ciidda, wax dhib ah ma leh inuu bixiyo habeenka Ciidda.
Tixraac
---
(1) Waxaa weriyey Abu Dawud (1609) iyo Ibn Majah (1827). Waxaa lagu xusay “Al-Irwaa’” (843) iyo “Saxiix Abu Dawud” (1427): Xadiis wanaagsan (xasan).
𝟭. 𝗪𝗮𝗮 𝗺𝗮𝘅𝗮𝘆 𝗭𝗮𝗸𝗮𝗮𝘁𝘂𝗹 𝗙𝗶𝗱𝗿𝗶 𝗮𝗺𝗮 𝗗𝗮𝗸𝗮𝗿𝗮-𝗦𝗼𝗼𝗻?
Waa sadaqo waajib ah iyo kafaaro (fidyo) la bixiyo soonka ka dib, dheefta Zakaatul fidriga waxaan kusoo qeexnay xadiithka kore.
𝟮. 𝗤𝗼𝗳𝗸𝗲𝗲 𝗮𝘆𝗮𝘆 𝗸𝘂 𝘄𝗮𝗮𝗷𝗶𝗯𝘁𝗮𝗮 𝗭𝗮𝗸𝗮𝗮𝘁𝘂𝗹 𝗙𝗶𝗱𝗿𝗶𝗴𝗮?
Waxay waajib ku tahay ruux kasta oo laga helo saddexdan shardi:
• Qof kasta oo Muslim ah (lab iyo dheddig, yar iyo weyn). Ilmaha uurka ku jira xitaa waa laga bixin karaa.
• Qofka xorta ah (addoonku isagu iskama bixiyo, ee waa laga bixiyaa).
• Qofka hodanka ah ama qaniga ah. Qodobkan waxaa loola jeedaa qofka haysta ama awooda wixii uu quudan lahaa habeenka ciidda soo galaysa iyo maalinta ciidda. Qofkii intaas heli kara waa ku waajib Zakatul Fidrigu.
𝟯. 𝗚𝗼𝗼𝗿𝗺𝗮 𝗮𝘆𝗮𝘆 𝘄𝗮𝗮𝗷𝗶𝗯𝘁𝗮𝗮 𝗼𝗼 𝗹𝗮 𝗯𝗶𝘅𝗶𝗻𝗮𝘆𝗮𝗮 𝗭𝗮𝗸𝗮𝗮𝘁𝘂𝗹 𝗙𝗶𝗱𝗿𝗶𝗴𝗮?
Sida loo badan yahay waxay waajibtaa maalinta ugu dambaysa ee Ramadaanka marka ay qorraxdu dhacdo.
Tusaale:
• Haddii Ramadaan ku dhammaato 29, waxay waajibaysaa maalinta 29aad marka qorraxdu dhacdo.
• Haddii ay ku dhammaato 30, si la mid ah ayay u waajibaysaa maalinta 30aad marka qorraxdu dhacdo.
Waqtiga ugu dambeeya ee la bixin karo waa ka hor salaadda ciidda. Haddii salaadda ciidda la gaaro iyadoo aan la bixin, Zakatul Fidrigii ma ansaxayo; waxa uu noqonayaa sadaqo caadi ah, sida Nebigu (SCW) sheegay.
𝟰. 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗮 𝗹𝗮 𝗯𝗶𝘅𝗶𝗻𝗮𝘆𝗮𝗮 𝗭𝗮𝗸𝗮𝗮𝘁𝘂𝗹 𝗙𝗶𝗱𝗿𝗶𝗴𝗮?
Qadarka la bixinayo waa intii Nebigu ﷺ bixin jiray oo ah saac (صاع). Marka lagu qiyaaso miisaanka maanta, waxay u dhigantaa qiyaastii labo kiilo iyo bar (2.5 kg).
Waxa la bixinayo asal ahaan waa cunto. Cuntada loola jeedo waa tan laga dhigan karo quraac, qado ama casho; looma jeedo macmacaan, furuud iyo waxyaabo la mid ah.
𝟱. 𝗟𝗮𝗰𝗮𝗴 𝗺𝗮 𝗹𝗮𝗴𝘂 𝗯𝗶𝘅𝗶𝗻 𝗸𝗮𝗿𝗮𝗮 𝗵𝗮𝗹𝗸𝗶𝗶 𝗰𝘂𝗻𝘁𝗮𝗱𝗮 𝗹𝗮𝗴𝗮 𝗯𝗶𝘅𝗶𝗻 𝗹𝗮𝗵𝗮𝗮?
Haddii danta iyo maslaxadda qofka la siinayo (miskiinka ama faqriiga) ay ku jirto, waa la bixin karaa lacag. Mararka qaar qofku wuxuu u baahan karaa iidaan ama wax uu cuntada ku karsado, markaas lacag ayaa uga faa’iido badan.
𝟲. 𝗬𝗮𝗮 𝗺𝘂𝗱𝗮𝗻 𝗶𝗻 𝗹𝗮 𝘀𝗶𝗶𝘆𝗼? 𝗤𝗼𝗳𝗸𝗮 𝗸𝘂𝗹𝗮 𝗷𝗼𝗼𝗴𝗮 𝗺𝗶𝘀𝗲 𝗺𝗶𝗱 𝗸𝗮 𝗳𝗼𝗴?
Asalka waa in la siiyo masaakiinta ku nool meesha aad ku nooshahay. Laakiin haddii aad ogtahay dad kale oo ka baahi badan ama ehelkaaga ah oo ka baahi badan, waa bannaan tahay in loo diro.
𝟳. 𝗬𝗮𝗮 𝗹𝗮 𝘀𝗶𝗶𝗻𝗮𝘆𝗮𝗮 𝗭𝗮𝗸𝗮𝗮𝘁𝘂𝗹 𝗙𝗶𝗱𝗿𝗶𝗴𝗮?
Waxaa la siinayaa fuqarada iyo masaakiinta Muslimiinta ah ee u baahan.
𝟴. 𝗬𝗮𝗮 𝗹𝗮𝗴𝗮𝗮 𝗿𝗮𝗯𝗮𝗮 𝗶𝗻𝗮𝗮𝗱 𝗸𝗮 𝗯𝗶𝘅𝗶𝘀𝗼 𝗭𝗮𝗸𝗮𝗮𝘁𝘂𝗹 𝗙𝗶𝗱𝗿𝗶𝗴𝗮 𝗼𝗼 𝗺𝗮𝘀𝘂𝘂𝗹𝗶𝘆𝗮𝗱𝗼𝗼𝗱𝘂 𝗸𝘂 𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗻𝘁𝗮𝗵𝗮𝘆?
Dadka aad ka bixinayso waxay ku xiran yihiin saddex sabab:
• Qaraabonimo – Qaraabada kula nool ee aad nafaqayn jirtay, sida waalidka, carruurta, ama qaraabo kale oo aad masuul ka tahay.
• Lamaanahaaga – Xaaskaaga adiga ayaa lagaa rabaa inaad ka bixiso, xitaa haddii ay tahay taajirad iskeed u taagan.
• Addoomadaada Muslimiinta ah - adiga ayaa ka bixinaya, waana lagaa rabaa.
@JiilkaRajada