Bisha Soonqaad waxa ay dhalanaysaa habeenka uu Jimcuhu soo galayo oo ku beegan 28 Febraayo, marka ay saacaddu tahay 3:44 aroornimo. Galabnimada Jimcaha marka ay qorraxdu dhacayso bisha cimrigeedu waxa uu noqonayaa 14 saac iyo 40 daqiiqo, waxa ayna qorraxda ka danbaynaysaa nus saac. Bariga dhexe iyo bariga Afrikaba suurtagal noqon mayso in galabta Jimcaha qalab la'aan isha mutuxan lagu arko bisha, hase ahaatee waxaa lagu arki karaa teleskoob. Sidaa awgeed waxaa la soomi doonaa oo bisha Soonqaad bilaabanaysaa maalinta Sabtida oo ku beegan 1-da Maarso. Guud ahaan dalalka Carbeed iyo inta badan dalalka Islaamka maalintaas ayaa laga soomi doonaa, balse waxa ay ku kala duwanaan doonaan maalinta ciidda, oo Sucuudiga iyo dalalka ku xiran waxaa laga soomi doonaa 29 beri, waxaana laga ciidi doonaa 30-ka Maarso, halka qayb kale oo ka mid ah dalalka Carbeed laga soomi doono 30 beri, lagana ciidi doono 31-ka Maarso. Sawirka hoose waxaa uu tusinayaa sida galabta Jimcaha dalalka dunida looga arki doono bisha Soonqaad. Meelaha cad ee aan midabka lahayn lagama arki doono bisha. Meelaha uu marsan yahay midabka buluugan, oo ay ka mid yihiin barifa Afrika iyo bariga dhexe, waxaa bisha lagu arki doonaa teleskoob oo keli ah. Galbeedka Afrika oo uu marsan yahay midabka soosaliga ah waa suurtagal in qalab la'aan isha mutuxan lagu arko bisha haddii jawigu yahay mid saafi ah. Waqooyiga Ameerika oo uu midabka cagaaran marsan yahay si fudud ayaa isha mutuxan loogu arki doonaa bisha marka ay dhacayso galabnimada Jimcaha.
Bisha Soonqaad waxa ay dhalanaysaa habeenka uu Jimcuhu soo galayo oo… — Koryaal — TG.ME
February 14, 2025 1.1K