๐—ฆ๐—”๐——๐——๐—˜๐—ซ๐——๐—” ๐— ๐—”๐—ฅ๐—ซ๐—”๐—Ÿ๐—”๐——๐—ข๐—ข๐—— ๐—˜๐—˜ ๐—ก๐—ข๐—Ÿ๐—ข๐—ฆ๐—›๐—”โ€ฆ โ€” Halbeeg Podcast โ€” TG.ME

๐—ฆ๐—”๐——๐——๐—˜๐—ซ๐——๐—” ๐— ๐—”๐—ฅ๐—ซ๐—”๐—Ÿ๐—”๐——๐—ข๐—ข๐—— ๐—˜๐—˜ ๐—ก๐—ข๐—Ÿ๐—ข๐—ฆ๐—›๐—”
โ€˜โ€™Koritaan, Waxbarasho, iyo Halganโ€™โ€™

Nolosha biniโ€™aadamku ma aha safar isku mid ah iyo jid toosan, balse waa geeddi-socod ka kooban marxalado kala duwan oo qofku maro inta uu nool yahay. Marxalad kastaa waxa ay leedahay astaamo u gaar ah, caqabado iyo fursado saameeya shikhsiyadda, fikirka, iyo jihada mustaqbal ee qofka. Fahamka marxaladahani waa arrin muhiim u ah cilmi-nafsiga, cilmiga bulshada iyo horumarinta shikhsiga, maadaama ay innaga caawinayso in aan si qoto-dheer u fahanno sababta dadku ugu kala duwan yihiin dabeecadda, goโ€™aan qaadashada iyo himilooyinka nololeed.
May 3, 2026 392 1