Waxa laga yaabaa in aad caruurnimadaadii ku soo barbaartay in oohintu daciifnimo tahay, cabashadu ceeb tahay, ama aad ku soo kortay jawi lagu yidhi “adkayso, raggu ma ooyaan” Ama lurkaaga cidna ha usheegin”.
Marar badan dhacdooyin nolosheenna soomara oo aynu iska indhatirno ama aynaan tixgelin siin, ayaa marka dambe saamayn xun ku yeesha nolosheenna….qaab nololeedkeenna, hab udhaqankeenna, iyo xidhiidhka aynu bulshada layeelanayno.
Way dhacdaa marar badan in la ina yidhaahdo “noqo qof adag oo xambaara lurka iyo wejiyada adag ee nolosha. Qofnoqo qof waayihiisa laabta ku haysta_____laakiin su’aashu waxa ay tahay illaa intee? Intee inleeg ayaa aad sidaysaa culayskaa? Intee in leeg u adkaysan kartaa?
Dareemada iyo culaysyada aynu laabta ku aasnaa waa boog inagu taal oo sugaysa waqtiga ay bukoon doonto!
Mararka qaarkood waxaad u baahan tahay inaad qof aad ku kalsoon tahay la hadasho. Waxaad u baahan tahay in aad naftaada u ogolaato in ay oydo. Waxaad u baahan tahay in aad qirato waxa kugu dhacay in uu ku dhaawacay. Waxa aad u baahan tahay mararka qaarkood in aad qirato jabkaaga; si aad u nefisto!
1August 22, 2026 96