Maxaa dhacaaya marka qof loo dhiibo awood, xil iyo maqaam ? Mararka qaar qofku booska ma maamulo, balse booska ayaa qofka maamula sida aynu ka aragno masuuliyiin badan. Awooddu waxa ay qofka gelisaa dareen u sheegaaya in uu dadka ka sareeyo; sidii Namruud iyo Fircoonba awoodoodu ugu beensheegtay ee ay jarka uga riday.
" Ma adiga ayaa booska macnaha u yeela, mise maqaamka ayaa adiga macne kuu sameeya? "
Cilmi-baadhis ku saabsan ''awoodda iyo maqaamka'' (power and status) ayaa waxa ay muujinaysaa in awoodda iyo maqaamku saameeyaan sida qofku u arko naftiisa iyo dadka ku xeeran. Awooddu waxa ay kordhisaa dareenka ah in qofku dadka kale saamayn ku yeelankaro, islamarkaana uu hello xorriyad uu wax badan ku muujiyo awdoddiisa haddii annu helin qaanuun seeteeya.
Waxa jirta odhaah caan ah oo uu lahaa Senator Cory Booker oo tidhaahda "The office does't make the man; the man makes the office.'' Badanaa geyiga Soomaalida waxa aynu ku aragnaa masuul xil loo dhiibay oo boosku isaga macne usamaynaayo; kuna muujinaayo awooddiisa oo uu bulshada isutusaayo in uu muhiim yahay!
Waxa muhiimka ahi waa in aad taqaano shaqada aad qabanayso, halkii aad kujirilahayd ismuujinta iyo xaqiijinta awoodaada.
August 20, 2026 92