Rajab waa bisha 7aad ee tirsi sannadeedka Hijriga, waxaana ay ka mid tahay 4ta bilood ee xurmada goonida ah leh.
Bilahaa qiimaha badani waa:
▪︎Rajab رَجَب
▪︎Dul-qacda ذُو ٱلْقَعْدَة
▪︎Dul-xij ذُو ٱلْحِجَّة &
▪︎Muxarram مُحَرَّم
Ilaaheey sw, ayaa yiri:
[ مِنۡهَاۤ أَرۡبَعَةٌ حُرُمࣱۚ. ]
صدق الله العظيم.
[waxaa ka mid ah [bilaha], 4 xurmo gaar ah leh.]
Aayadda 36aad ee suuradda Toowba.
Rasuulkuna scw, waxaa uu ku duceeysan jirey:
[ اَللّهُمَّ بَارِكْ لَنَا فِى رَجَبَ وَ شَعْبَانَ وَ بَلِّغْنَا رَمَضَان. ]
[Alloow noo barakee Rajab & Shacbaan, oo na gaarsii Ramadaanka.]
Xalay ayayna curatey bishii Rajabku.
Daa’uud Cumar
9January 13, 2024 3.3K 3