MACALLINKA MUSLIMKA AH UMA BAAHNA MAALIN AY UNESCO U ASTEYSEY!…

MACALLINKA MUSLIMKA AH UMA BAAHNA MAALIN AY UNESCO U ASTEYSEY!

Macallinka Muslimka ahi qiimihiisa kama helo UNESCO, mana u baahna maalin sannadle ah oo hay'ad caalami ahi u asteeyso si loo ogaado sharaftiisa.

Qiimihiisa waxaa muujiyay Qur'aanka iyo Sunnada.

Alle wuxuu yiri:

﴿قُلْ هَلْ يَسْتَوِي الَّذِينَ يَعْلَمُونَ وَالَّذِينَ لَا يَعْلَمُونَ﴾

Rasuulka ﷺ wuxuu yiri:

«خَيْرُكُمْ مَنْ تَعَلَّمَ الْقُرْآنَ وَعَلَّمَهُ»

Kuwa idiinku khayrka badan waa kuwa Qur'aanka barta oo dadka bara.

Macallinka waa in la qadariyo, la maamuuso, lana garab istaago sannadka oo dhan, ee aan sharaftiisa lagu koobin maalin sannadle ah.

Sharafta macallinku ma aha mid UNESCO siisay; waa sharaf ay Qur'aanka iyo Sunnadu muujiyeen.

Aan ku dadaalno inaan ku dayanno Qur'aanka iyo Sunnada, kana fogaanno munaasabadaha aan shareecadeennu jideyn.
November 21, 2026 21
MACALLINKA MUSLIMKA AH UMA BAAHNA MAALIN AY UNESCO U ASTEYSEY!… — Salah Muse Hassan — TG.ME