20-ka Nofeembar
“Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqda Carruurta waa maalin aan dib ugu milicsanno masuuliyadda guud ee naga saaran ilaalinta, daryeelka iyo horumarinta carruurta Soomaaliyeed.
Carruurtu waa hantida ugu qaalisan ee ummadeenna leedahay, waana waajib in aan u abuurno deegaan ay ku helaan nabad, waxbarasho tayo leh iyo daryeel caafimaad oo joogto ah.
Waxaan xasuusinaynaa bulshada Soomaaliyeed in xuquuqda carruurtu aysan ahayn ikhtiyaar, balse ay tahay waajib bani’aadamnimo iyo mid sharci.
Qoys kasta, macallin kasta, iyo hay’ad kasta oo bulsho waxay door ku leeyihiin ilaalinta karaamada iyo mustaqbalka jiilka soo koraya.
Munaasabaddan waxaan ugu baaqayaa dhammaan bulshada inay noqdaan codka iyo garabka carruurta – in la ilaaliyo codkooda, in la dhageysto baahidooda, oo loo abuuro fursado ay ku gaaraan riyadooda.
Mustaqbalkeennu waxa uu ku xiran yahay sida aan u maalgashanno maanta carruurta aan jecelnahay.

33
6
3
2November 20, 2025 12.3K 6