waxa aan ka qeybgalay kulan muhiim ah oo ay isugu yimaadeen mas’uuliyiinta Xisbiga Horumar iyo Midnimo Qaran iyo horjoogeyaasha kaamamka ku yaalla gobolka Banaadir. Kulanku wuxuu daaranaa sidii loo sii xoojin lahaa wada-shaqeynta bulshada iyo sidii dadka kaamamka ku nool ay codkooda ugu biirin lahaayeen hawlaha horumarineed ee socda.
Waxa aan si qoto dheer uga wada hadalnay baahiyaha bulshada, caqabadaha jira, iyo sidii loo heli lahaa nidaam mideeya talooyinka iyo codadka dadkeenna. Doodda ayaa ahayd mid iftiimisay sida ay muhiim u tahay in muwaadiniintu ay kaalin muuqata ku yeeshaan jihaynta arrimaha dalka.
Waxa aan si gaar ah ugu bogaadinayaa ka qaybgalayaasha dadaalkooda iyo sida ay u muujinayeen damqashada iyo rabitaanka nabadda. Mar walba waa in aan xusuusnaano ka shaqeynta amniga
(“Nabad baa naas la nuugo leh.”)
Kulankan wuxuu xoojinayaa in wadajirka bulshada iyo dhegeysiga dadku ay yihiin furaha horumarka iyo xasilloonida dalka.
3
2
2
1
1November 18, 2025 3.3K 3









