Miyaan kaga waramay sida uu qalbigaygu u jecelyahay adiga laabtada… — Qalbitabat🥰❤️ — TG.ME

Miyaan kaga waramay sida uu qalbigaygu u jecelyahay adiga laabtada, miyaan kaga waramay sida aan kugu xiisay iyo sida aan kugu xiiso xitaa anigo adiga laabtada ku jira oo dhagay-sanaya dhawaaqa qurxon ee wadnahaaga.

Miyaan kaga waramay in aan ku jeclahay inta aad ogtahay in ka badan oon xita ku jeclahay boqolaal iyo kumanaan jeer oo kala duwan.

Miyaan kaaga waramay in aad ii noqotay balwad anan marnaba ka ahaan karin iskana dayn karin, Miyaan kaga waramay in aan dartaa uga saahiday dhamaan waxa dumar jira oo idil.

Miyaan kaga waramay in aan qadhay heer hadi an jaceyl maqlo uu magacaagu iguso dhacayo, Miyaan kaga waramay in habeenkaste aad riyada igaga horeysid dartaan an u jecladay in aan sexdo si an kugu riyoodo.

Miyaan kaga waramay in navtaydu ay ku tabtay oo ay sacad walba ikaa waydiiso.

Miyaan kaga waramay in aanan haysan awood kale oo aan gabadh kale ama qof danbe ku jeclaado, Miyaan kaga waramay in uu i helay jaceylkii cilmi dilay oo kale walina an la noolahay.

Miyaan kaga waramay in ay dhagahaygu wali ay sugaan dhawaaqii macaan ee codkaaga dhawaqi ay habeenn walba ku sexan jireen subax walbana ay kuso kici jireen.

Miyaan kaga waramay in anan hami kaleba u hayn gabadh kale oo uu dhaman rabitaankaygi adi ku racay.

Miyaan kaga waramay in aan wali sidii kaliday u caweeyo.

Miyaan kaga waramay in aan wali ku sugo sida ay beeralaydu u sugaan dhibicda roobka oo kale.
Miyaan kaga waramay in aad dartaa u gubay ilin badan.

Miyaan kaga waramay sida layaabka leh ee aan markaste kaaga fikiro xita anigon rabin in an navtayda dhibo
❤2
August 26, 2026 188