Guudmar Buugeed.
Waa maalin Jimce ah bishii 8 20keedii 2026 goor sheegtuna ku beebantahay 11:45 dharaarnimo aana sagootiyay buug yare 536 page ahaa , ka hadli kari mayno mugiisa , ha u arkaan iyagu sheeko madadaalo waxayse baal wali oo kamid ah xanbaarsantahay cuduro fidsan oo ku dhexbaahay bulshadeena , gaar ahaan Soomaalida, haah waa xanuun aan daawo lahayn misaba leh!. Qodobada ugu faca wayn uu ku dul wareegayi waa ; Aqoonsiga (Identity) , Midab takoorka, Jaahwareerka diimaha , Reer Galbeedka iyo Reer Bariga , IWM. Si dhawrsoon aynu udhadhansano.
Aqoonsi (Identity)
Majirto qof la waydiiyay doonistiisa kahor inta aanan la keenin aduunkan, doorasho kuma lihin Qoyska aan ka dhalanayno, Dhulka aan ku dhalanayno amaba abtirsiinta aan dhaxli doono midna!,Haah Dhalashadu waa qaddar rabaani ah, midabkuna waa rinjiga uu abuuruhu u doonay oo waa kala cayn cayn , kala midab, kala diin , dhaqan , dhul, af, sidaas ay tahayna kala afkaar. Se dadku waxaas oo dhan waxa ay ka dhigteen danbi laga galay xeerarka ay dhigteen iyagu, iyaga oo kugu eedaynaya reerka aad ka dhalatay sidii aadadigu xor u ahayd doorashadaas. Uma noolnaho sida aan rabno waxaanse unoolnahay sida ay rabaan, annaga oo og, ogaansho uun ma' ihine yaqiinsan in ayna jirrin kala sarayn aadame islaam ah ayaan uhogaansamaynaa xeerarka bulsho waayo iyagaa rabba!.
Jaahwareerka Diimeed.
Diintu waa waxa haqabtirta , quluubta haawanaysa, maskaxda jaahwareersan ee wada su'aalaha iyo jidhkan gubanaya goorta uu u waayo jawaabo qanciya maskaxda! Si walba way isku dhaamaan dadka diinlawaayaashu iyo kuwa diimaha haysta waxay dooniba ha haystaane,. Ilaahay swt ma go'doomin caqligeena oo marwali aayadka waxa kusoo noqnoqda , miyaadan ahayn kuwa fikiraya! Ma aha in diinta uqaadano si indho la'aan ah siday gaaladu odhan jireen goorta hanuunku uyimaado وإذا قيل لهم تعالوا إلى ما أنزل الله وإلى الرسول قالوا حسبنا ما وجدنا عليه آباءنا ) " Waxa innagu fillan waxa aan ka dhaxalnay aabayaasheen" oo haddayba aabayaashood khaldanaayeena?" Diinta aynu ku qaadano qanaaco jeerkaas waan ku xasilaynaa , kuna degaynaa degenaansho abadiya!.
Bal qoraaga dhugo kolka uu halkan marayo ee uuleeyahay, :-"Waxay tukanayaan salaadda, haddana waxay igu eegayaan indho ay ka buuxdo quudhsi iyo kala-sarreysiis. Ma diinta ayaa sidaas baraysa mise waa iyaga oo garaadkoodu kooban yahay?" Diinta waa aynu ku dheelnay haddaynu magac ahaan u sidano se aynu dabaqin dhabnimada ay ku diimawday!.
Maalin aynu wada fadhinay gu'yaal badan ka hor ayay saaxiipaday itidhi :-" Ninbaa ilaahay raadinayay 30 sanno" Kolkaasan si degdeg ah uyidhi Dee muu hellay? Waan la yaabanaa haah , haddana odoygaas alle haraxmada'e dhiganayashiisu waa kuwa ugu macquulsan maanta, waayo 30 sano ayuu fikiray , baadhay ku laamay ugu danbayna si raaxo leh ayuu inoogu reebay dhaxal, Kalinimadu waa gees yar oo uu qofku is hortaago caqliyaddiisa, halkaas oo aan laga baxsan karin iska hor-imaatadka... Miyaadan ahayn kuwa fikiraya!!
HamdaOrah.















