OGAYSIIS DEEQ WAXBARASHO DEBEDEED 1. Jaamacadda Khalifa oo Imaaraatka… — Kuliyada Barashada Luqada English ka — TG.ME

OGAYSIIS DEEQ WAXBARASHO DEBEDEED 1. Jaamacadda Khalifa oo Imaaraatka ku taal, kana mid ah 200 ee jaamacadood ee adduunka ugu sarreeya, ayaa bixinaysa deeq waxbarasho oo u gaar ah ardayda Masterka iyo PHD-da diyaarinaya. Noloshaada iyo caafimaadkaagaba ayaga ayaa dabbaraya, mushaar bille ahna way ku siinayaan, haddii aad hesho. Dalalka adduunka oo dhan ayay u furantahay deeqdaani. Shuruudda la isku aqbalayo, iyo warqadaha lagaa rababa halkaan ka akhriso, isla meesha ayaadna ka helaysaa linkiga la iska diiwaangelinayo. https://www.ku.ac.ae/graduate-admissions 2. Jaamacadda Oxford ayaa ayaduna bixinaysa deeq waxbarasho oo u gaar ah ardayda PHD-da diyaarinaya. Ayaguna sidoo kale noloshaada, tegidhadaada, iyo mushaar fiican oo bille ah ayay bixinayaan, haddii lagu aqbalo. Waxaa jira lacag isdiiwaangelin ah oo dadka laga qaado, laakin haddii aad passport Soomaali wadato waa lagaa cafinayaa Shuruudda la isku aqbalayo, iyo warqadaha lagaa rababa halkaan ka akhriso, isla meesha ayaadna ka helaysaa linkiga la iska diiwaangelinayo. https://www.path.ox.ac.uk/content/departmental-prize-dphil-studentship-competition F.G. Deeqdaan xaraysashadeedu waxay xirmaysaa 3 December. Haddii aadan adigu u baahnayn fadlan gaarsii u baahan.

Khalifa UniversityTop Ranked, Research-Intensive University in UAE - Khalifa UniversityKhalifa University is an internationally top-ranked research-intensive university located in Abu Dhabi, UAE. It brings together the best in science, engineering and medicine in the…
👍34❤12🔥6👏5🙏5🥰3👌3💯1
November 23, 2021 21.8K 4 8