[قصة عجيبة وقعت بين الشيخ حسين "عدي" والشيخ عثمان حدغ -رحمهما الله-]
ذكرها الشيخ عثمان حدغ في كتابه (الْمَقَاصِدُ السَّنِيَّةُ فِي ذِكْرِ أَحْوَالِ الْأَوْلِيَاءِ وَتَرَاجِمِ أَعْلَامِ السَّادَةِ الصُّوفِيَّةِ: ج ٢ / ص ٤٧٧):
[الشَّيْخُ حُسَيْنُ بْنُ مُحَمَّدِ بْنِ مَحْمُودِ بْنِ حُسَيْنِ بْنِ عَلِيٍّ الصُّومَالِيُّ]
«وَمِمَّا جَرَى لِي مَعَهُ أَنِّي زُرْتُهُ فِي بَيْتِهِ بَعْدَ الْمَغْرِبِ وَطَالَ بِنَا الْحَدِيثُ فَتَأَخَّرْنَا عَنِ الْجَمَاعَةِ، ثُمَّ ذَهَبْنَا إِلَى الْمَسْجِدِ وَأَقَمْتُ صَلَاةَ الْعِشَاءِ وَصَلَّيْنَا، ثُمَّ خَرَجْنَا مِنْهُ وَوَدَّعْتُهُ، فَلَمَّا انْصَرَفْتُ وَابْتَعَدْتُ مِنْهُ قَلِيلًا دَعَانِي وَقَالَ لِي: إِنَّنَا اللَّيْلَةَ خَالَفْنَا الشَّرِيعَةَ، فَقُلْتُ لَهُ وَأَنَا مُتَعَجِّبٌ: وَمَا ذَاكَ؟ فَقَالَ: تَرَكْنَا الْأَذَانَ وَصَلَّيْنَا الْعِشَاءَ بِدُونِهِ، فَتَعَجَّبْتُ مِنْ تَدْقِيقِهِ وَشِدَّةِ تَحَرِّيهِ فِي الِاعْتِنَاءِ وَالِاهْتِمَامِ بِحِفْظِ السُّنَنِ الَّتِي يَتَسَاهَلُ بِهَا كَثِيرٌ مِنَ النَّاسِ».
Allaha unaxariistee Shiikh
Cusmaan xiddig ayaa ka sheekeeyay Mar uu Shiikheenna Shiikh Xusayn-cadde kusoo booqday Gurigiisa.
Waxa uu yiri Shiikh Cusmaan-xiddig: Waxa aan kuso booqday Gurigiisa Salaada Maqrib Kaddib, Waxa Nagu dheeraaday Sheekadii waxa aan ka dib dhacnay Salaaddii Cishaha.
Masjidka ayaannu aadnay, Salaaddii ayaan Aqimay, markii aannu tukannay salaaddii, Masjidkii ayan kasoo baxnay kaddib Shiikha ayaan Sagootiyay, Marka aan kasoo laabtay wax yar Kaddib ayaa uu ii-wacay Waxa uu igu yiri: annagu Caawa, Waxa aan khilaafnay Shariicadii!!
Markaas ayaan dhahay Aniga oo la yaabay Maxa dhacay?
Waxa uu igu yiri: waxa aan ka tagnay Aadankii, Salaadddiina waan tukannay Aadan la'aan!!!
Sheekh Cusman waxa uu yiri: Waxa aan la yaabay Sida uu sheekhu ugu dadaalayo uu u daneynayo, u ilaalinayo Sunnda Taasoo dadku Badinkiisa ay fududeystaan..
Maashaa Allaah, shiikh Xusayn-cadde iyo Shiikh Cusmaan Xiddig Allaha Unaxariisto,
Janna Firdowsa al-aclaa Allaha ka waraabiyo.