Waagii Uu Noolaa Sheekh Cumar Faaruuq Alle ha u naxariistee ayaa waxaa suuq guur Ragga soomaalida oga furmay wadanka Hindiya gaar ahaan koonfurtiisa siiba magaalada Hyderabad, waxaana aad ugu xoomay Rag badan oo soomaali ah kadib baa waxay gaartay in culimada lala wadaago arinkaas waxaana la weydiiyey Shiikha
Waxaa la yir " Shiikh Raggii soomaaliyeed baa cabasho ka ah dumarkii soomaalida oo Madax adayga, buuq iyo arimo kale ayay kaga cabanayaan, sidaas darteed waxay u jiheysteen Dhankaas iyo Hyderabad oo lagu sheegay hablo wanaagsan, baariyaal ah quruxna badan , bal arinkaas ka waran?"
Wuxuu yiri : " Waxaa la sheegaa in Dameer Hadda kahor lagu yiri War dameerow maxaa kugu qasbay Jugtaan iyo haraantidaan afkaaga ku dhacayso xiliga aad dameerta u galmoonaysid inaad u samirto ? Maad is raadsatid fardaha oon ku dilayn jugna ku gaarsiinayn?! Dameerkii baa wuxuu yiri "Waxaan dhibkaas u marayaa fir dameer yaan la waayin" Kadibna shiikha hadalkiisii halkaas buu kasii waday asagoo u duurxulaya in haddii Hindiya hablo loo doonto la Dabar go'ayo qarniyada soo aaddan.
Hadda kahor Oday Jarmal ah iyo xaaskiisa oo jarmalad ah oo Beer dalxiis waqti iskula qaadanaya ayaa arkay wiil Madow iyo Gabar cadaan ah oo isla baashaalaya jacaylna isku muujinaya, wiilkii ayuu u tagay wuxuuna weydiiyey Halkuu kasoo jeedo asal ahaan wuxuuna u sheegay inuu soomaali yahay.
Markii dambe ayuu yiri "In aan si gaar ah kuula hadlo ayaan rabaa markaad waqti soo hesho ii kaalay ciwaankayga waa kan" maalin dambe ayuu wiilkii soomaaliga ahaa u yimid odaygii cadaanka ahaa is bariidin kadib odaygii jarmalka ahaa baa yiri "Ninyahaw Naag cadaan ah intaad xoog iyo Hanti leedahay unbay kula joogaysaa ka afrikaan ahaan , mar haddii aad gabowdo ama cayrowdo kulama joogayso kuugumana tureyso sida ay ninka Jarmalka ah ugu tureyso, Bal jarmal oo dhan kusoo wareeg car bal soo hel Nin madow iyo naag cadaan ah oo isla gaboobay sida aniga iyo xaaskayga, masoo heleysid si kaste ood u raadiso, markaa waxaan ku leeyahay arinkaas si fiican oga fakar oo Oga fiirso"
7
4
1January 17, 2024 3.8K