Fadliga 10 maalin ee bisha Dul-Xaja 1-Maalinka Koowdaa ee bishan waa… — Zuldaan — TG.ME

Fadliga 10 maalin ee bisha Dul-Xaja 1-Maalinka Koowdaa ee bishan waa maalinkii loo dambi dhaafay nabi Aadan Caleyhi Salaam. 2-Maalinka Labaad ee bishan waa maalinkii la aqbal ducadii nabi Yuunis caleyhi salaam, sidoo kale waa maalinkii isla nabi Yuunis laga soo saaray kaluunka calooshiisa. 3-Maalinka Sadaxaad ee bishan waa maalinkii la aqbal ducadii nabi Zakariye Caleyhi Salaam. 4-Maalinka Afaraad ee bishan waa maalinkii la dhalay nabi Ciise Caleyhi Salaam, qofkii soomana wuxuu alle ka fogeyn doonaa caasinta iyo faqriga idinka Alle. 5-Maalinka Shanaad ee bishan waa maalinkii la dhalay nabi Muuse Caleyhi Salaam, qofkii soomana wuxuu alle ka fogeyn doonaa cadaabul qabriga. 6-Maalinta Lixaad ee bishan waa maalinkii uu Alle SWT uu samada u furay rasuulkii محمد صلى الله عليه وسلم . 7-Maalinta Todobaad ee bishan waa maalinka la xirayo dhamaan albaabada naarta, lamana furi doono ilaa ay ka dhamaato tobankan maalmood, qofkii soomana wuxuu alle kasoo xirayaa 30 albaab oo dhibaato ah, wuxuuna u furayaa 30 albaab oo fudeyd ah. 8-Maalinta Sideedaad ee bishan waa maalinka loogu magac daray يوم التروية qofkii soomana wuxuu Alle siinayaa ajar uusan ogeen qof kale isaga mooyee. 9-Malinka Sagaalaad ee bishan waa maalinka Xujeyda ay taaganyihiin banaanka carafo, qofkii soomana wuxuu Alle u dambi dhaafayaa dabiga sanadkii lasoo dhaafay iyo midka soo socda, waana maalinka ay soo dagtay aayada Quraa'anka ee ah الْيَوْمَ أَكْمَلْتُ لَكُمْ دِينَكُمْ وَأَتْمَمْتُ عَلَيْكُمْ نِعْمَتِي وَرَضِيتُ لَكُمُ الْإِسْلَامَ دِينًا 10-Maalinka Tobanaad ee bishan waa maalinka carafo, qofkii Alle ugu dhawaada inuu wax gowracana wuxuu u dhaafi doonaa dunuubtiisa. Inaad ka faa'ideysan doonto ayaan rajeynayaa Insha-Allah.

June 8, 2024 5K 2